Tan
iyo intii uu Cabdilahi Yusuf ku soo Noqday magaalada ganacsiga ku miihimka
ee Boosaaso ayaa waxaa dadku hadal hayeen sida ay ugu heelan yihiin ka
qeyb qaadashada soo celinta maamulkii Puntland ee ku dumay khilaafkii
siyaasadeed ee sannad ka hor saameeyay Puntland. Dadka reer Puntland ayaa
intooda badani muujiyay sida ay lagama maarmaan u tahay in la soo celiyo
sharcigii burburay ee wadanka. Arintaas dadku waxay ku muujiyeen siyaabo
kale duwan, sida idaacadaha, mudaharaadyo IWM.
Illaa
hadda ma cada waxa hortaagan maamulka Col. Cabdulahi oo isaga laftigiisu
balan qaaday in uu soo celinayo maamulkii burburay. maamulka ayaa
awoodiisi isugu geeyay magaalada Bossaaso oo aysan ka jirin wax qul-qulad
ah haba yaraatee, halkaas oo waliba maamulka loogu soo dhaweeyay si diiran,
iyadoo la ogsoon yahay magaalada Bossaaso in ay tahay xudunta Puntland
muhiimna u tahay sugida nabadeedu maamul-kasta oo jira ayaa haddana waxaad
moodaa sidii awalba looga bartay Maamulka Col. Cabdulahi in uu isku
uruuriyay hal meel, waxaa taas tusaale u ah in maamulkii kan ka horeeyay
ee uu madaxda u ahaa Col. Cabdulaahi uusan dhaafin labo magaalo oo ah
Bossaaso iyo Garoowe.
Gobolada
Sool, Sanaag, Mudug iyo degmada Buuhoodle ayaan haba yaraatee uusan ka
hirgalin maamulkii hore, waqtigaas ma jirin wax weyn oo khilaaf ah oo
maamulku ku hirgali waayo marka laga reebo Somaliland
oo iyana sheegata gobolaas qaar, haddaba
su’aasha isweydiinta leh waxay tahay marakana maxaa hortaagan Maamulkaan
oo uu u soo celin la’yahay xasiloonidii iyo nabada?
Su’aashaa
ayaa dad qaarkiis u
micneeyeen dhawr siyaabood oo kala gadisan, labada micne ee uga caqli
galsan ayaa waxay leeyihiin maamulka waa la hoosaasiyay oo soo dhaweyntii
Bossaaso loo fidiyay oo uu filanwaa ku noqotay ayaa waxaa ka hoos baxay
ujeedooyinkii iyo hadafkii maamulku watay bilowgii, hadafkaas oo ahaa in
marka hore maamulku sugo amaanka gebi ahaan gobolada Puntland ka dibna loo
gudbo wada hadal, heshiisiin iyo sidii loo sixi lahaa waxii khaldamay.
Hadaba isla markii maamulku tegay magaalada Bossaaso ayaa waxaa ka
bilaamay shirar aan kala go’ lahayn una muuqan in ay dhaqso ku
dhamaanayaan kuwas oo u dhaxeeya maamulka iyo odayaasha deegaanka gobolka
Bari
. Waxaa taas ka sii daran marka shirarkaas
socdaan lama dhisin dawlad hawlgasha.
Dadka
qeybta labaad ayaa aaminsan in maamulku ka caga jiidayo isku dhac yimaada
haddii ciidanka Polisku isku dayaan in ay hawl gal ka bilaabaan
magaalooyinka Qardho iyo Garoowe oo haatan u muuqda in ay qabsadeen kooxo
shufto ah oo meel kasta Jidgooyo dhigay, bilaabayna dhac iyo dil aysan
cidna u aabo yeelin. Nimankaas shuftada ah ayaa waxay ku gabanayaan qabiil,
waxay kaloo sheegayanayaan in ay ka mid yihiin maaulkii Jamac Cali Jamac
ee wadanka laga saaray wallow markii Jamac joogay aysan haba yaraatee
kooxahaasi siin wax taageero ah.
Isku
soo duub aragtiyahaas oo dhan oo laga yaabo in ay run yihiin, Maamulkuna
ku saxsan yahay hadaay ka meermeersadaan dhiig daata oo maanta aan loo
baahnayn ayaa haddana dadka Puntland waxay sugayaan in Dawladu sida ugu
dhaqso badan u soo celiso nidaamkii Dawliga ahaa, haddii aysan soo celin
karina sidaas u cadayso si dadka Puntland uga tashadaan ayaahooda.
Mohamed Koronto
Koronto01@yahoo.com