ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Ra'yiga Akhristaha 


Eedeynta Maamulka Cabdullahi Yusuf Ma mid Salhaysataa?

Posted to the Web   May 10, 2002

WQ

Liban Axmed

Liban250@aol.com  

Maamulka Madaxweyne Abdullahi Yusuf waxey Mudan yihin in lagu amaano sida ay xasilooni ugu soo rogeeyn Puntland. Si kastaba ha ahaato caadifada siyaasadeed ee dadka kala qabaan laakiin waxaan marna la xaqiri karin in mudadii Maamulka C/aahi Yusuf xasilooni iyo nidaam dowladeed ka jiray Waqooyi Bari Somaliya. Marka laga eego amniga, maamulka, iyo ka warqabka siyaasada guud ee Soomaaliya. Waxaa jirtay in dhowr qof ay ku eedeyen web page kaan C/aahi Yusuf iyo maamulkiisa iney wax ka qaban wanaag u doonka Puntland iyo Soomaliya guud ahaan. Taas aniga ma qabo. Sida aan wada ognahay Soomaaliya waa burburtay kalana goday, waxey u baahan tahay in la isu soo celiyo. Hadaba waa in beel walba iyo caaqiladeeda ay meeshooda dhismaha ka soo bilaabaan, deedna meel dhexe la isugu yimaado. Cabdulahi Yusuf waxaa loo doortay Madaxnimada Puntland. Waa jibkiisa wuxuu ahaa inuu raadsho danta dadka degan ama ka soo jeedo Puntland. Danaha dadka iyo dalka leeyahay waa farabadan yihiin hadaba markii la soo koobo, lana tix galiyo xaala da dagaal ee lagu jiro waxaan ku soo koobayaa sadex. Midaan waxaa dhici karta in dadka qaar igu raacin, waxaanse qabaa iney marwalba sadex arrimood oo muhiim u ah Puntland noqon doonaan. 


Horumarinta guud ahaan ee Puntland goboladeeda. Tan waxaan qabaa in maamulka C/aahi Yusuf in wanaagsan ka qabtay, ayagoo aan caawimaad badan oo dibadeed heysan. Kumanaan qaxooti ka soo guuray Koonfurta Sooomaaliya ay koryimaadeen. Citiraaf caalami aysan jirin. Kheyraad badan oo la dhoofin karo ama maalgalin dibada ka timaada ay jirin. Mida kale waxa maamul jira oo dhan wuxuu jiray sadex sano oo qura. Saasoo ay arrinta tahay hadana waxey isku dayeen iney intii tabartooda ah wax ka qabtaan. Soomaaliyana waa ugu wanaagsanaayeen. Dhinacaan arrinta waa la sii wanaajin karaa, ninkii fikrad wanaagsan hayana wax ha taro maamulka jira ama doorasho ha uga hor yimaado. Waxaanan rajeynayaa in maamulka C/aahi Yusuf ay qaban doonaan doorasho sida ugu dhaqsaha badan oo xaalada wadanka suurageliso. 


In la hor istaago in Nidaamkii Barre, dadkii horkacaayey, iyo dad la fikrad ah iney wadanka Soomaaliya xukumaan mar kale. Midaanu ma aha cabsi ama khatar looga doodaayo si academic ama falsafad siyaasadeed ah. Tan waa khatar xaqiiqi ah. Hadii C/qaasim iyo kooxdiisa soomaaliya xukumaan wixii Kacaanka, Dafle, Hangash, iyo dabadhilifkooda geysteen waxey noqon doontaa hordhac. Dhib aan la arag waxaa geeysan doona Carte iyo Cabdiqasim. In C/aahi Yusuf diiday qorshaha Carta waa xaq, qof walba oo macquul ahna waa ogolaanayaa. Waa wax aad loola yabo in Somaliya oo mudo dhibaato siyaasadeed ka socotay Kacaankii Siyaad Barre awgiid, maanta uu madaxweyne ka noqdo Guulwade. Maxaa dhalinyarada Soomaaliyeed u dhinteen hadii Guulwade Guulwade lagu badalayo. Markii la qoro buuga C/laahi Yusuf wuxuu geystay waxaan aaminsanahay tan ugu wacan iney noqon doonto, inuu diiday in Kacaankii Barre dib u soo laabto. Kooxda carta waxey isku dayaayaan iney saacada dib u ceshaan. Ilaahay iyo ummada Soomaaliyeed midna kama ogolaan eeyso.


Xaalada Kismayo. Arrinta sadexaad oo mamulka C/aahi Yusuf iska xilsaarey waxey ahayd in Jubbada Hoose xasilooni siyaasadeed iyo amni laga keeno. Sida la wada ogsoon yahay ilaa dowladii Barre qas iyo dhibaato ayaa ka taagneyd Kismayo iyo agagaarkeeda. Mamulka C/aahi Yusuf wuxuu isku dayey inuu xaalada gobolkaas dajiyo, waxey u direen ciidan iyo caaqillo si hogaan wanaagsan looga dhiso meesha. Hade sidaan wada ogsonahay ayagoo ku mashquulsan dhismaha maamulka Koonfur Galbeed waa tii qaska Puntland ka dhacay. Waxaan rajeynayaa in Madaxweyne C/aahi Yusuf iyo maamulkiisa ay wax ka qaban doonaan arrimaha Kismayo. Khusuusan in meeshii loo helo hogaan ciidan iyo caaqilo. Waxaa cad in Morgan iyo kooxaha haraaga Kacaanka ah ay ku fashilmeen iney wanaag ka soo rogaan meesha. Jubbada hoose waxey u baahantahay in talaabo toos ah ay Madaxweyne C/aahi Yusuf iyo maamulkiisa ka qabtaan. Ku haleyn qof kale meeshu ku baday. Waxaa Madaxweyne C/laahi waajib ku ah inuu ruuxii shaqadiisa guta amaano, sidoo kale danta guud a yaa ku jirta meeshii maamulkeeda xumaado qasna ka dhaco in wax laga bedelo.


Mahadsanid
Liban Axmed

Kor u qaada codkiina oo Ha la idin maqlo...


Wixii Su'aal qoraalkaan  aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka eeg bilowga qoraalka.

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda, hawlqabadkooda  iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Ku Noqo Bogga Maqalada ama Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.