 |
Waa maqaal taxane ah oo aan
ku eegayo doorka NGO-yada iyo dhulalka dagaalada sookeeya ka jiraan
Waa maxay doorka ay NGO-yadu ka qaataan gargaarka iyo taakuleynta dadka
dunida sadexaad, gaar ahaana goobaha dagaaladu dabreen? Waa xaqiiq in ay
jiraan waxbadan oo ay hayadaha samafalku marka la soo gaabiyana loo yaqaan
NGO ay qabataa amase ay u qabteen dadka tabaaleysan. Waxaa dhicikarta in
inbadi ay yiraahdaan maam-maahdii carbeed ee ahayd ” Ha sameen khayr
dhibaato kuuma timaadee”. Aniga oo aan rabin in aan xaqiro wax
qabadka NGO, haddana waxaan rabaa bal in aan abuuro dood caafimaad qabata
taas oo aan ku eegayno hayadahan iyo wax qabadkooda inaga oo had iyo jeer
eegayna mustaqbalka fog. Bal aan ku bilaabo suaasha ah: NGO-yadu ma
leeyihiin ulajeedo dahsoon oo ku lifaaqan tan wax qabadk? Aan
faahfaahiyee ma la odhan karaa NGO waa nooc cususb oo gumeysi ah?
Goobaha ay NGO aadka ay uga howlgaleen waxaa kamida wadamada Siirelyoon,
Afganistaan iyo wadomo badan oo kale Somaliyana ay ka midtahay.
Hayadahanai waa kuwo aad isugu duba ridan qabtana dhamaan hawlaha kala
duwan ee bulshada, sida caafimaadka, waxbarashada, baraarujinta iyo
wacyigelinta dadweynaha. Aan si kale u dhigee waxay qabtaan dhamaan
howlihii dowladu u xilsaarneyd. Hadii aan tusaale u soo qaato dalka
Afganistaan markii uu jiray xukunkii Talibaanku, waxa wadanka si dadban u
maamulayey hayadaha NGO. Sababta taa keentayna waxa ay aheyd iyada oo
Talibaanku u ku jiray dagaal isla markaan aan maliyad iyo wakhtiba u hayn
howlaha bulshada.
Hadii aan wax yar ka taabto wadanka Siiralyoon iyo doorka NGO-yada,
waxaadna moodaa in aay aad isugu dhowyihiin amse la odhon karo waa isku
xeelad kuwa ka hawlgala dhulka Soomaaliya. Waxay degaan ka dhigteen
wadanka Sinigaal, iyaga oo aad ugu raaxeysta xeebha quruxda badan ee dalka
Sinigaal. Waxay sameeyaan dulimaadyo kooban oo ay ku tagaan dalka
Siiralyoon ku waas oo ay ku kacaan maaliyad badan.Sida kuwa ka shaqeeya
Somaliayan ay u hogtaan dalka Kenya.
Meelaha aadka loogu dhaliilo hayadahan waxaa kamid ah in ay shaqaale
xirfadleh ka keensadaan debeda, iyaga oo helaya kuwo wadani ah. Waxay isku
dayaan in ay dejiyaan manaahij waxbarasho oo ay iyagu go´aan sadaan.
Waxay xiriir hoose la yeeshaan col-ogayaasha si ay danahooda u fushaan.
Waxaana taa marqaati u ah haddaan tusaale u soo qaato col-oogayaasha
soomaliyeed kii tuulo qabsadaaba wuxuu yiraahdaa sidan ” waxaan ka
codsaneynaa hayadaha samafalku in ay dib u soo noqdaan” taasina waxay ku
tuseysaa sida ay NGO-yadu gacanta ugu dhigeen amse u hanteen hawlihii
dawladnimada.
Gunaanad: Haddii ay NGO-yadu ay hawlihii dawladnimo dhabarka saarteen, ma
kula tahay in ay doonayaan in dawladi dhalto? Dhalinyarada cadaanka reer
galbeedka u badan ee maamula hayadahan ma kula tahay in ay dawladahoodu ay
ugu abuurayaan shaqo? Mise waaba gumeysi hor leh oo qaab cusub ku imanaya?
Jawaabahan ma rabo in aan ka jawaabo, madaama aan kor ku xusay in
maqaalkani noqdo mid dood abuur ah, aana ka damacsanahay bal in aynu
focuska saarno NGO-yada inaga oo had iyo jeer si quman arinta u
lafagureyna.Aqoonta iyo caqligan kaa shaneyna.
Qore: Liiban M Shariif somalia60@hotmail.com
Arday wax kabarta Jaamacada
Stockholm university
Wixii
Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga nasoo
gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka
eeg bilowga qoraalka.
|
AllPuntland Mas'uul
kama aha qoraalka akhristayaashu kusoo bandhigaan Ra'yigooda iyo
ogaalkooda, mas'uliyada Qoraalka waxaa leh qoraaga, AllPuntland Kaalinteedu Waa Baahinta
Ra'yiga xorta ah.. Mahadsanid
|
Ma doonaysaa inaad codkaaga gaarsiiso aduunka ku soo
dir fikir@allpuntland.com
,soo raci magacaaga oo buuxa, iska ilaali ereyo gef ku ah Diinta Islamka, Qabiil ama Qof. AllPuntland:
Akhristaha |
|

|