Run
sheeg, wax u marqaati fura, ma waayo. waxaan taas ula jeedaa in dad badan ay
ka
marag
kici doonaa waxa aan ka qori doono moowduucaan.waxaase xusid mudan
sida
xeeldheerida iyo taxadarka leh ee dad badan oo walaalaheey ah ay horey ugu
soo falanqoodeen ama aay wax ugu qoreen mowduucan.
Intaanan
u guda gelinse muduucaan waxaan rabaa inaan ummada aan ka dhashay
xasuusiyo in ay jirto saxaafad xor ah oo qof walbo ra`yigiisa iyo fikirkiisa
ku sheegi karto.
Run
ahaantii waxaa dhab ah in laga soo gudbay hadalkii Faarax Gololey oo ahaa
”ama
af wayne raac, ama afkaaga daboolo ama afgooye aad”.
Maanta
qof ashuun dhaxdii ku adimeeyso ma jirto waase Ilaah mahadii.
”Qofkii
xumaan arkaa Gacantiisa ha ku suuliyo, hadii uu awoodi waayo afkiisa ha ka
sheego, hadii uusan awoodi karin Uurka ha ka naco taasi oo ah halka iimaanka
ugu hooseeyso”.
Waa
xadiiskaas aqristow tan igu kaliftay inaan halkaan ku soo bandhigto
fikirkeeyga ah sidee nabad waarto loogu heli lahaa ummada aan ka dhashay oon
weligood arag agaasin wanaagasan oo ka arimiyo ayatiinkooda.
Hadaan
u soo laabto mawduuceena Sidee nabad waarta lagu gaari karaa?
Waxaa
shaki ku jirin in loo baahan yahay dhowr qodob oo aan aniga u arkay
ineey muhiim yihiin in la hirgiliyo
-
Sideedaba
in dib loo soo nooleeyo baahida aasaasiga ah sida amniga, caafimaadka
waxbarashada iwm.
-
Hadii
la helo waqti munaasib ah oo nabad buuxdo la gaaro aayna isku af-gartaan
ummada soomaaliyeed ineey hubka iska dhigaan islamarkaasna hal mar laga
wada uruuriyo dhamaan degmooyinka dalka ka kooban yahay, oo aaysan
dhicin in cid laga xayuubiyo cidna loo hambeeyo.
-
In
degmooyinka iyo gobolda dalka la isku duwo loona sameeyo maamul hoosaad
madax banaan oo aay u dhan yihiin dhamaan dadka loo yaqaano.
4.
In laga sameeyo tiro koob dhab ah dhamaan degmooyinka iyo gobolada
dalka oo dhan,
oo sugnaanteeda goob
joog u yihiin hay`ado caalami ah oo lagu wada kalsoon yahay.
-
Maamulka
degaanada waa in si cadaalad ah loo qaybiyaa oo aan cidna lagu dulmin
laguna saleeyaa saami sida loo kala badan yahay.
-
In
la sameeyo barnaamij horumarinta reer miyiga ah oo lagu nageeynaayo reer
guuraaga, si dib loogu celiyo dadkii magaalooyinka u soo qaxay iyo kuwa
ku soo qamaamay.
-
In
xabbad la qaybiyo waxaa ka fiican in abuur iyo daawo la qaybiyo.
Ka
dib markii la fuliyo lana sugo arrimmaha aan kor ku xusan ayay suuragal
noqon kartaa in la qabto shirwayne aay u wada dhan yihiin xubno xalaal ah oo
laga soo xulay gobolada iyo degmooyinka dalka oo aay hurmuud u yihii Culuma
u diinka, Aqoon-yahanada iyo
Indheer-garadka iyo haweenka soomaaliyeed iwm. Si loogu wada hadlo in cid
walbo sameeysato maamul goboleed oo aay ka taliyaan dadka u dhashay
goboldaas isla markaasna lagu dhiso dawlad dhexe (oo fedaral ah) oo xalaal
ah islamrkaana loo wada dhan yahay.
Jamciyada
quruumaha ka dhexeeysa iyo dawladaha ku midoobay
waa inaay u soo gurmadaan si aay u qaan gaarsiiyaan maamulka cusub, inta uu
ka tabareeysanaayo.
Isla
markaana gacan ka geeystaan maxkamad dadwayne ee madax banaan oo lagu abaal
marinaayo kooxihii falalka soomaali dumiska ku kacay dhowrka sano aay
soomaalida xorta ahayd; oo aay ka mid yihiin kuwii dadka laayey kuwii
dhaqaalaha boobay, kuwii maatada haoowshay, kuwii hantida dadweynaha dibada
u badeeca geeyey, kuwii badda iyo beriga ka ijaaraty shisheeyaha
kuna aasay nugliyeer qatar gelinaayo caafimaadka iyo nolosha ummada
Soomaaliyeed labada boqol sano oo soo socota iyo kuwii qaranka soomaaliyeed
u bur buriyey danahooda gaarka ah.
Kooxahaas
abaalmarinta sugaaya ee dadweynaha Soomaaliyeed denbiga ka galay, hadii
laysku dayo in loo soo galiyo shaati cusub ee siyaasadeed, isla markaana la
lugooynaayo shacbiga, waxaay taasi keeneeysaa in aan lagu guuleeysanin
nabadeeynta beelaha soomaaliyeed. cidii isku daydaana ineey noo soo dhisto
xukuumada aay ku wada jiraan kooxahaas iyo kuwo la mid ah, gacan ma siin
shacbiga soomaaliyeed ee waa maran habaabiyeen.
Waxaa
kale oo xusid mudan oo runtii oo aan indhaha ka daboolan karin shan kooxood
aan aniga u arkay in layska jiro ama layska ilaaliyo oo mar walbo laga feejignaado.
-
Koox
daneeystayaal ah oo isku sheegaayo in aay dad wakiil ka yihiin,
ujeedadoodu tahay ineey bur-buriyaan danta guud, hadeeysan u muuqan
tooda gaarka ah
-
Shirarka
beenta ah oo aay hurmuudka u yihiin laba naflayaasha soo taagan oo aan
go`aamada ka soo baxa aaysan fuleyn.
-
Ururada
magacooda lagu ganacsado, oo laga dhigtay aalad lagu gor gortamo
xiliyada shirarka oo kaliya.
-
Kuwo
boob iyo bililiqo ka hunguri baratay oo maantooleyska ah oo aanan
ogolayn in nabad la gaaro.
-
Kuwa
hud-hudnimo ku sifoobay oo xaajad ku dhameeya ”
kanna jidow leeyahay kanna garow leeyahay”
Guntii
iyo gabo gabadii qoraal igama dhamaan, waase iga soo dhawaaday. balsewaxaan
isku taxluujinayaa inaan maqaalo danbe ku dhamaystiro firadayda ah sidee
nabad waarta lagu gaari karaa. Anoo qoraalkeeyga soo gabagabynaayo waxaan
leeyahay oraahdaan
”
dhagax helnaa ama dheef helnaaba war aan dhowrano dhulkeena”.
Allaa
wax og!
Yaasiin
Maaxi
maaxi@hotmail.com
Kor
u qaada codkiina oo Ha la idin maqlo...
|