 |
The opinions contained in
this article are solely those of the writer, and in no
way, form or shape represent the editorial opinions of
|
Nin
Abeeso Koriyoow Adigaa u AAYO leh.
|
|

|
[ AllPuntland ] Opinion/Fikradaha |
sss
Waxaan
mudo badan indhaha ku hayey hab dhaqameedka
siyaasiin isku sheega
beesha Mudullood oo mar walbo sideey u dhan yihiin u
isticmaala caruurta
xigtadooda ah iney isaga dhigan xabada, kaligood
tashtaan, isu heystaan iney
iyagu yihiin kuwa saxda ah ee matala reerka.
Hadaba saaxiiboow, waxaa fajac igu abuurey dagaalki
ugu dambeeyey ee cusmaan
caato ka shaqshaqey xaafada Madiina, taasoo igu
aheyd wax aan fisho. Waxaa
masuuliyiinta xooga shacabkeena ku heeysto eey
baneesteen in markii labo
qolo ku dagaalanto xamar eey mid kamida ku cararto
dhabarka maatadeena,
iyaguna eey soo dhoweeyaan despite their history.
Waxaan xasuusanaa in Abdi Duuliye Sare iyo inti oo
hogaaminaayey gadaall
naga so mareen isagoo amakaagsan marki casharki eey
ka mutueesteen oo usoo
dhiey odeygi tagey, qolada uu hogaansho Qanyare oo
magacabi laga
badley(KUWAIT) oo iyagoo dhag laqabto laheen
gadaalgaley.
Intaas oo dhan siyaasiin ku sheega cadawgi dadkaaga
leeeynayey maanta inaad
magan galiso haddii eey wanaag iyo political
interestigooda u arkeen,
waxeysan ka fakarin dhibatada eey taas yeelan karto,
waan arganaa Qanyare
meeshuu kabaxey inuu laayoo masaakiin beesha ah iska
daa Xamree oo goofkii
eey daganaayeen ku laayo sida Deyniile iyo
Garasbaaleey.
Dagaalki ka dhex dhacey Ceydiid iyo Caato 96ki ayaa
ah mid uu Cusmaan Caato
magan galyo usoo galey Muuse Suudi sidaasna lagu
badbaadshey. Waxii uu Caato
hiigsanaayeyna maanta waa gaarey, waayo hadduu awood
u heley inuu Cumar
Finish ka kaxeeyo Madiino shir habargidir ku
heshiineysan uu geeyey maahan
dhib sahlan. Mana u mood in Muuse dhib gaara uu ssoo
gaarey balse
dhibanayaasha eey yihiin shacabka reer Madiino oo u
dagaalamey marna inaan
la qabsan, maanatan kama bixi karaan labadaas qofood
oo isku xabadeeysoo
maatada dhexdeeda.
Si kastaba hanoqotee, Waxaa lagama maarmaan ah in
marka eey dad ama magac ku
yeeshey baabinta ubadkeena, haweenkeena, caruurteena
iyo deegaanka inaan
marna naloo soo dhoweyn dhexdiina waxi doono haka
jiree. Waxaanan marna
ogolaaneyn in Cabdi Qeybdiid oon goob joog u ahaa
siduu wax ugaley uu marna
ii talin ama aan maqlin magaciisa.
Ugu dambeeyn, waxaan filayaa in casharo intaas
kabadan aadan u baahneeyn in
leydiin dhigo, aadna kabaxdaan tuugtanka sida Cali
Mahdi oo dhahahayo
Abdiqaasim inuu nala tashteey aheyd markuu xilka
ugaaska ka qaadayey,
suaashu waxey tahey yaad tahey, yaase lagaala
talshaa? Muusena waxaan
usheegi lahaa inuu strategiga uu badalo, halmaamana
inuu hubka u sito dadka
uu ka dhashey balse uu gacan bir ah ku dhigo cusmaan
caato iyo qeybdiid oon
kala duwaneyn dilana ultimately si uu uga baxo
mugdiga eey iyagu galsheen.
caweys@hotmail.com
Maryama Maxamed
|
|
Wixii
Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga qoray,
Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka.
Mahadsanid |
XusuusNoow: Aragtida Ku jirta qoraalka kore
waa mid ugaar ah qoraaga soo qoray, sinaba looguma fasiran
karo inay tahay ama ay la wadaagto ama u taagan Aragtida
qorayaasha AllPuntland.com. Mahadsanid |
| Ku
Noqo Bogga Maqaalada Akhristaha | Kulaabo
Bogga Hore AllPuntland |
Copyright © 2000-2001 by
allPuntland.com.
All rights reserved. Reproduction in whole or in part is prohibited
|
|