Mudane
Yalaxow waxaa maalma gaaban ka haray shirweyna Soomaaliyeed oo la doonayo
in lagu soo dhiso Dowlad loo dhan yahay kana dhici doono magaalada
Nayroobi ee dalka Kenya,shirkaas oo aad adiga ku dhawaaqday in aad ka
qeybqaadaneyso sidaa oo kalana ay u aqbaleen hogaamiyayaasha Soomaliyeed
kuwaado xambaarsan xilka ay u hayaan taageerayaashooda iyo kuwa ku siman
magaca ay sitaan oo keliya ee ku caan baxay in ay ku shir tagaan dhul dad
kale leeyahay iyada oo ay jirto goballada ay ka soo jeedaan oo aan cidnana
matalin gogal kasto oo horay Soomaali loogu dhigay iyo tan hadda loo
dhigayaba.
Mudana
Yalahow ma jiro hogaamiya Somaaliyeed oo aan horay ugu qeyb qaadan tiro
iyo laba jeer shirarki horay Soomaali weyn loogu qabtay geddigoodna ku
dhamaaday guuldarro iyo shimbiraayahow heesa marka laga reebo Gud/RRA
Maxamed.X.Nur (shaati gaduud) oo ka qeyb galay kaliya shirki ugu dambeeyay
ee lagu qabtay degmada Carta ee dalka Jabuuti oo isaga balan qaaday in uu
fulinaayo khiyaanadi lagu soo maleegay gogasha shirki ka dhacay degmada
Carta waxaase ka danbeeyay in uu balankaas ka baxay kuna dhawaaqay dowlad
ay hoos timaado lix gobal oo aan gacantiisa ku jirin laba gobal oo kaliya
maahine, taasina waxaa ka tusaysaa in uu ku dhacay fayruuski dhul
balaarsiga oo kusalaysan riyo xqiiqada ka fog iyo madaxweynaha dowladda
isku magacowday Somaali land Maxamed .I.Cigaal oo isaga ka qeyb qaatay
shirki u horeeyay ee Somaali la isugu keeno laguna qabtay dalka jabuuti
haddana ku dhawaaqay in uunan ka qeyb qaadanayn shirka la isugu
balansanyahay ee ka dhici doono magaalada Nayroobi isaga oo ku taamaya in
uu gorgortan la galo waxuu ugu yeero dadka ku nool koofurta dalka oo
hogaan yeesho ayaan wada hadal la geleynaa.
Muddana
Yalahow adiga waa marki u horysay oo la filayo in aad ka qeyb qaadato shir
ay Soomaali weyn isugu imaanayaan adiga oo xambaarsan culayska iyo
kaalinta ballaaran ee Muddulood ee deegaankisaba ku leeyihiin
xasilinta,maareynata iyo xal u helidda arrimaha Soomaaliyeed ee isku
milaqsan loona taag waayay sidaa darteed waxaay taagerayaashaada Muddulood
kaa codsanayaan, oo mucaaradkaada Muduloodna niyadda ka rabaan in uu
ahaado barnaamijka aad kaga qaybgeleyso shirka la isugu ballansanyahay mid
ka duwan barnaamijki ay la shir tegi jireen raggi adiga hortaa xambarsanaa
qadiyada Mudulood gaar ahaan iyo tan Soomaaliyeed guud ahaan.
Aniga
oo aan doonayn in aan halkan kaga faaloodo dhibaatada Somalida dul taal
laga soo bilaabo muddadi aan xornimada qaadanay,dowladihi awooda dalka
isaga danbeeyay iyo ilaa maanta oo aynaan jirin dowlad Soomali weyn
arrimaheeda maareyso ayaan haddana waxaan rabaa in aan fariintan si gaara
ugu soo xuso halka ay ku jirto xal u helida dhibatada u gaara dadweynaha
Mudulood muddadi soomali xorta ahayd iyo tan soomaaliyeed guud ahaan.
Muddana
Yalahow "oodda sida ay u kala koreyso ayaa loo gala qaadaa"
dhibaatada dadka Muddulood iyo deegaankooda ku habsatay tan iyo maalinti
ay Soomaali xornimada qaadatay halkan laguma soo koobi karo sidaa darteed
waxaan kaa codsaneynaa in aad qodobadan soo socdo ku darto barnaamijka aad
la shir tegeyso gogasha Soomaali weyn ku balan sanyihiin bisha soo socoto
ee magaalada Nayroobi iyo wixi annaga naga maqan oo aad isleedihiin adiga
iyo fariiqa kula socdo waa lama huraan in Soomaali ka wada hadasho..
1)Inta
aan laga wada hadlin xal u helida dhibaatada guud ee ummadda Soomaaliyeed
iyo qeybsiga awoodo ilaha u sareeyo ee laga maamulo dalkeena waa in aad
soo jeedisaa in horta laga hadlo Magaalada Muqdisho sidi loo mareyn lahaa
dibaatada ka taagan, xal waarana loogu heli lahaa iyo maamul mideysan oo
ku dhan gacanta dadka loo aqoosanyahay in ay ku badan yihiin deegaangeeda
iyo dadyowga kale ee iyagana loo yaqaano in ay deegaanka wax ka degan
yihiin , nabad lagu nastana loogu soo dabaali lahaa Caasumadda dalka
Soomaaliya oo mar walbo ahayd asbaabaha tan ugu weyn ee guul darro ku
dhamayn jirtay arrimaha laysla meel dhigo shirarki ka horeeyay shirkan iyo
in laga gudbo nin aan ka mid ahayn dadyowga gobalka in uu xaq u yeesho soo
magacaabida maamulada ka jiro deegaanada dalka guud ahaan iyo gaar ahaan
magaalada muqdisho, taa haddii la waayana waxaan kaa codsnaynaa in aad
shirka isaga soo tagto ilayn waxaa loo galay albaabki shimbrayahow heesa ,taana
adiga kuma qabato oo maqaamkaada ma'ahan shimbirayahow heesa maadaama aad
tahay nin aan kursi doon ahayn doonayana xal in loo helo arrimaha guud ee
Soomalida iyo arrimaha u gaarkaa taageerayaashaada iyo sidi loo gaari
lahaa dowlad loo dhan yahay oo haysato deegaan nabada oo ay ku shaqeyso
kana fog riyo iyo been loo sacaba tumo.
2)arrinta
labaad waa haddii tan koowaad miiska la soo saaro xalkeedana laysla meel
dhigo iyo sidi loo kala bixi lahaa maleshiyaadka isku hor fadhiyo
magaalada Muqdisho guduheeda iyo koofurta dalka si ay u fududaato in ay
maleeshiya walbo ku noqoto deegaanki ay asal ahaan ka timid ,intaa keddib
waa in aad ku adkeystaa sidi loogu heshiin lahaa in gobal walbo oo
soomaaliyeed yeesho is maamul federal ah oo ay caasumadda ku jirto si
aanan mar dambe loogu gacan gelin nidaam diktatooriya reerkuu doona ha ka
soo jeedee.
3)Maadaama
gobal walbo is maamul u gaara(federal ah) yeelanayo waa in aan
shirweynahaas ka codsanaa in ay dowladda yeelato jagada madaxweyne oo
keliya lagana maarmaa jagada wasiirka koowaad iyo wasiiradan tirada badan
ee lagu maslaxo qabiil walbo oo Soomaaliyeed ilayn qabiil walbo gobalka uu
ka soo jeedo ayuu ka jirayaa maamul federal ah oo ay gacantiisa ku jirto
awoodda maamul iyo dhaqaale ee gobalkaas. Gebagebada nuxurka fariinteena
¨.
Muddane
yalaxow somaalida waxaay tiraa "meel gari ku jirto iyo meel geed ku
jiro gocasho ma dhaafaan" haddaba sidaa darteed waxaan mar kale kaa
codsnaynaa annagga oo ku kalsoon kartrida aad u leedahay maareyta
ilaalinta xuquuqda taageerayashaada in aad culayska saarto xal u helida
dhibaatada ka taagan magaalad muqdisho oo ah caqabadda ugu weyn oo Soomali
weyn ka hortaagan in ay gaarto heshiis guud ee lagu maalo hashi maandeeq.
Abdallah
Moallim Mahamud(abdullahi siyaasi)