ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Ra'yiga Akhristaha 

Ciidamada Qalabka Sidda: Ishii Laga Bur Buriayay Qaranka Soomaaliyeed.

Posted to the Web   April 12, 2002

WQ

Maxamed Muxiyaddiin Cali 


CIIDAMADA QALABKA SIDA: Ishii laga
Bur buriyay Qaranka Soomaaliyeed

Jiritaanka Ciidanka Qalabka side ee Soomaaliya wuxuu hernia ugu sarreeyay gaaray intii uu taliyaha u ahaa Jeneraal Daa'uud Cabdulle Xirsi, iyadoo geeridiisii kadibna ay Ciidamdu la soo gudboonaatay niyadjab weyn oo ay ka qabeen hoggaaminta cidda uga dambeyn doonta.

Jeneraal Maxamed Siyaad Barre oo aad ugu faraxsanaa in Ilaaheey Oofsado Jeneraal Daa'uud ayaa isagoo iska dhigaya nin ka murugeysan geerida Daa'uud wuxuu yiri "Ruushka waxaa ka dhintay saaxiib wanaagsan, Soomaalidana wiil baarri ah, Seerjitana Aabbaheed", kadibna Siyaad Barre wuxuu ka faa'iideystay fursaddii uu banneeyey Daa'uud Cabdulle, isagoo u arkayey inay tahay mid uu ku gaari karo mansab ka sarreeya kiisa.

Markii la dilay Madaxweynihii Soomaaliya Dr.Cabdirashiid Cali Sharma'arke 15-kii Oktoobar 1969-kii ayuu Jaalle Maxamed Siyaad Barre iyo saraakiil kale oo Ciidamada Qalabka sida ah ayaa afgembi askareed aan dhiig ku daadan kula wareegay talada dalka.

Sida la rumeysan yahay haragsiibka Ciidamada Qalabka sida wuxuu soo billowday markii dhegta dhiigga loo daray geesigii Salaad Gabayre Kediye isagoo 39 jir ah, kaas oo ahaa ninkii ugu kartida badnaa Ciidamada, iyadoo ujeeddadu ahayd in loo daneeyo Jaalle Maxamed Siyaad Barre oo ciidamada dhexdeeda aan ku lahayn haybad fiican.

Dhinaca kale waxaa ka dhismaayey kaadirkii Millateri oo tacliinta akadeemiyada ciidamada ku soo qaadanayey waddamadii Midowgii hore ee Soofiyeetkii burburay, Masar, Ciraaq, Talyaaniga iyo dalal kale, kuwaas oo jiheynayey maamullada rayidka ah sida guddoomiyayaal Gobol, Degmo, Maareeyayaal iyo Agaasimayaal guud, kuwaas oo aysan ku jirin mihnadihii aqoon ee ay soo barteen.
Dhinaca kale xxirfadihii Millateriga waxaa inta badan qabtay dad reer guuraa ah iyo galti laga soo ururiyey Gobollo aan wax soo saar iyo qanimaad lahayn, canshuurta dalkana aan waxba ku soo kordhin.

Millaterigu wuxuu ka mid noqday siyaasadda iyo maamulka dowladda, durbadiina waxaa dalka loo abuuray xaalado aan loo baahneyn sida dagaalkii 1977-dii ee dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo keenay in hal guuto oo ka mid ah millateriga xuduudda inay miisaaniyad dhan oo qaybta horumarinta dalka ah ay keligeed qaadato.

Inqilaabkii dhicisoobay ee uu hoggaaminayey Gaashaanle Sare Maxamuud Yuusuf (Cirro) 9-kii Abriil 1978-dii ayaa sababay in ciidanka dhexdiisa qabyaalad culus si caddaan ah loogu saleeyo xagga darajada ciidamada dhexdooda, waxayna keentay in ciidamada qalabka sida lagu jiheeyo shacbigoodii ay wax u soo barteen, waxaana baaba'day kalsoonidii ay dadku u hayeen Ciidamada Qalabka Siday, waxaana la billaabay in si qafaal ah dadka loogu qoro askarta, iyadoo ay taasi barbar socotay khilaafaadyada soo kala dhexgalayey madaxdii iyo saraakiishii Ciidamada, sida kii ay isku khilaafeen Jerneral Maxamed Cali Samatar iyo G/Sare Shire Maxamed Siyaad Barre.

Millaterigu wuxuu Gobolladii dhexe ee Soomaaliya ka fuliyey falal waxashnimo ah sida dil, dhec, kufsi iyo burburin loo geystay barkadihii biyaha ee dadka iyo xooluhu ka cabbi jireen, sidoo kale Gobolladii Waqooyi ee dalka ayaa muddadii uu kacaanku jirey oo dhan uu amar millateri saarnaa, dadkuna ay bartilmaameed u ahaayeen millateriga, iyadoo dagaal hubeysan oo circa iyo dhulka ah lagu qaaday, loona soo kireystay duuliyayaal ajnabi ah oo calooshood u shaqeystayaal ah.

Markii ay burburtay Dowladdii Soomaaliyeed dhamaadkii Janaayo 1991-kii waxay ciidamadu ku kala biireen beelahoodii, waxayna kala qeyb qaateen dagaaladii beeleed ee leysaga soo horjeeday, waxaa kow iyo tobankii sano ee lasoo dhaafay ka geeriyooday Ciidamada qalabka sida Saraakiil taadikodooda dagaal iyo aqoondooduba ay wax ku tari laheyd qaranka Soomaaliyeed kuwaas oo iyaga iyo askar kaleba oo ka barbar dagaalameysay ku dhintay difaac beeleed, hase ahaatee waxaa jirtay qaar ka dhowrsaday iney galaan dagaalo qabiili ah waxayna maciini badeen iney caruurtooda Xamaali iyi gaari gacan ugu xoojiyaan.

Qaar kale ayaa geeriyooday iyagoo hoggaaminaya dagaalo diineed tusaale ahaan Col. C/rashiid Guuleed Warfaa (Ciidanka NSS iyo qoraa sheegooyinka) oo hoggaaminayey dagaalkii Ururka Al-Itixaad ay ku soo qaadeen Maliishiyadii Col. C/laahi Yuusuf bartamihii 1992-kii, kuwo kalena waxaa kasoo gaaray dhaawacyo tusaale ahaan Col.Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah garabka Meleteri ee Ururka Al-itixaad, kuwa kalena waxay xubno ka noqdeen Urur Diineed Al-islaax oo si weyn ugu sii fidayo Soomaaliya.

Iyadoo Ciidamada Qalabka Sida ay ahaayeen ishii laga burburiyey Qaranka Soomaaliyeed ayaa manta Dowladda KMG ah ee aan leysku raacsaneeyn jiritaankeeda waxay bilowday iney uruuriso Ciidamada Qalabka Sida, hase ahaatee waxey billowday tabihii Jaalle Maxamed Siyaad Barre, waxay xaalad u abuurtay Dadka, iyadoo Ciidamada u xareysan hada loo diyaariyey iney weeraro ku qaadaan deeagaano ay degan yihiin Dadka Soomaaliyeed ee kasoo horjeeda Dowladda, waxay wadaan ololayaal lagu burburinayo sandeqadaha iyo Gabarada ay kow iyo tobankii sano ee la soo dhaafay ku ganacsanayeen dad masaakiin ah, waxaa kaloo Ciidamada loo diyaarinayaa iney weeraro ku qaadaan Dalka Itoobiyo, ayna difaacaan hadii qof ka tirsan Dowladda KMG ah uu Mareykanku ama xoogaga kale ee la dagaalama Argagixisada ay isku dayaan iney qabtaan.

Tani waxay muujineysaa iney horsed u noqon karto sumcad xumo mar kale ku timaado Ciidamada Qalabka Sidam, waxaana la gudboon Ciidamada iney ka dhowrsadaan u adeegida Dowladda aan jiritaankeed leysku raacsaneyn oo la mid ah tii uu Marxuun Maxamed Faarax Caydiid Shaniyo tobankii Juun 1995-kii ugu dhawaaqay Koonfurta Muqdsho, Hambalyo Sanad guurada aas aaska Xooga Dalka Soomaaliyeed.

W/Qoray Maxamed Muxiyaddiin Cali

Maxamed Muxiyaddiin Cali
Xafiiska Midnimo ee Muqdisho
panoram2@online.no

Waxaa AllPuntland soo Garsiiyay Mohamed Ali Gaal"  infarmations@hotmail.com 


Kor u qaada codkiina oo Ha la idin maqlo...


The opinions contained in this article are solely those of the writer, and in no way, form or shape represent the editorial opinions of AllPuntland.com

Please direct all questions on the above article to

Wixii Su'aal qoraalkaan  aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka eeg bilowga qoraalka.

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda, hawlqabadkooda  iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.