|
Qofka
bini'adanka ah wuxuu tabcado waxaa ugu wanaagsan camal suuban iyo magac
wanaagsan oo uu dhalaankuu dhalo uga tago oo ay ku meel maraan, laguna
xushmeeyo.
Haddaba,
Xasanow, muddo dheer baad ku soo dhex jirtay xayn-daabka siyaasadda,
anigoo aan maanta taataabanayn waxqabadkaagii ama dhibaatadii aad keentay
midkoodna, waxaan kusoo jeedin lahaa inaad dib isugu noqoto oo aad fiiriso
hareerahaaga iyo xaaladda maanta oo aad ka tanaasusho sheegashada darajada
aan dadkaaga iyo dhulkaaga midna dan ugu jirin, waayo maanta cid ku
maqlaysa oo aad wax u sheegi kartaa waa dad yar oo dano khaas ah kaaleh .
Dadweynihii
reer Mudulood intoodii badnayd waxay kuu arkaan inaad cadowgooda tahay oo
aad cid kale u adeegayso; Ummaddii ku noolayd Jubbooyinka iyo carigaa
Kismaanyo waxay aaminsan yihiin inaad iibsatay oo aad taageerayso kuwa
xoogga ku haysta, indhahana ka daboolatay dhibaatada ka dhacaysa carigaas.
Qowmiyadda
ku nool Somaliland warkaaga ma maqli karaan, waxayna aaminsan yihiin
inaysan cadow kale aysan lahayn aan adiga ahayn; Iskana daa warkooda
dadkii aad ka dhalatay ee Puntland oo rumaysan cudurka ku dhacay oo
burburiyey nabadii iyo midnimadoodii inaad adigu u keentay oo Cabdiqaasim
kuugu soo dhiibay cudurkaas oo ahaa Qabiil iyo laaluush. Dadka reer Digil
iyo Mirifle ku diide oo dooni-maayaan inay wax ku darsadaan Cabdiqaasim
iyo Ina Qayb-diid dowlad ay hor boodayaan.
Haddaba,
Xasanow, waxaa ku taageersan waa dowlado dano khaas ah u taageeraaya
ururka aad ka mid tahay ee Carte, sababta ay u taageerayaana waa ku xumayn
dowladda Ethiopia oo ay iskaga soo hor jeedaan arimo wajiyo kala duwan leh
oo aad si wanaagsan ula socoto, ummadda Somaliyeedna aan dan ugu jirin.
Xasanow,
qowmiyadda aad ka dhalatay ee degta cariga Punt waa dad leh taariikh dheer,
kuna caan ah samo ka taliska iyo nabad raadinta, waana dad sharaf iyo
magac leh, waxaad rabtana waad ka heli kartaa haddii aad magacaaga iyo
koodaba sharaftiisa ilaaliso.
Waxaan
kaaga digaynaa inaadan u khaldamin mar labaad sidii Kacaankii habaarnaa ee
aad u haysatay inuu ahaa mid barakaysan, inkastoo ilaa iyo hadda aanan
aqoon fiican u lahayn sidaad u aragto dhibaatadii uu gaystay Ina Siyaad,
walow aad gacan yare u ahayd. Ha sugin xeerada salkeeda ee mudane Xasan
Abshir Faarax waxaad noqotaa mid badbaadiya naftiisa iyo tan magaca
carruurtiisa, ee noqo mid lagu xusuusto inaad ahayd mid ceebta Carte
gartay oo ka dheeraaday, hana sugin intuu Xaji Suudi Yalaxow gacanta kugu
dhigidoono, taas oo ceeb iyo magac xumo u noqondoonta cawaaqibkaaga danbe.
Raage
Jama
ragejma@aol.com
USA
Wixii
Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga nasoo
gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka
eeg bilowga qoraalka.
|
AllPuntland Mas'uul
kama aha qoraalka akhristayaashu kusoo bandhigaan Ra'yigooda iyo
ogaalkooda, mas'uliyada Qoraalka waxaa leh qoraaga, AllPuntland Kaalinteedu Waa Baahinta
Ra'yiga xorta ah.. Mahadsanid
|
Ma doonaysaa inaad codkaaga gaarsiiso aduunka ku soo
dir fikir@allpuntland.com
,soo raci magacaaga oo buuxa, iska ilaali ereyo gef ku ah Diinta Islamka, Qabiil ama Qof. AllPuntland:
Akhristaha |
|
|