Waxaa
dhammaan aniga iyo dadkii akhristay qoraal internet-ka kusoo baxay
maalinkii Axada tariikhduna aheyd 2/6-2002 ee lagusoo daabacay boga
internetka ee DAYNIILE. aad noo fajacise oo amakaag iyo
anfariir nagu beertay hadaladii uu ku hadlay ninka iskii isugu magacaabay
inuu yahay madaxweynaha jamhuuriyada soomaaliyeed.
Qoraalkaa
oo uu nuxurkiisa ahaa mar uu C/qaasim ka hadlayay xaalada Puntland inuu C/laahi
Yuusuf, waa madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland inuu yahay waa sida uu
hadalka u yiriyee “Nimanka jooga gaalkacyo ilaa Boosaaso iyagoo ah
dad nabdoon ayaa waxaa rogay nin daallim, faasid ah, kaafirna ah oo diinta
islaamka waa hore ka baxay, C/laahi Yuusuf waa nin kufriyey oo daallim ah
wuxuuna u adeegayaa coddowga ummadda isagoo dadkiisana ku hogaamiya
coddowga diinta islaamka”
Ereyadaa
waxaa laga hayaa afka dagaal-ooge C/qaasim oo eey dhibaysay unuu afkiisa
soo mariyo magaca Puntland, markii uu adeegsaday ereyga nimanka dago
gaalkacyo ilaa Boosaaso.
Ereyadaa Dagaal-ooge C/qaasim ka yiri mar uu
khudbad u jeediyay ururka alsuna wal jamaaca, tasoo ku beegneeyd xuskii
dhalashadii nabegeenii subanaa Muxamed (NNKH). Ereyadaa ma aheen erayo ku
haboon nin mas´uul ah. Waaba hadii uu Dagaal-ooge C/qaasim mas´uul uu
yahay, amaba sida uu asagu sheegte ee amaba dadka qaarkii u maleeyaan,
malaha waa intuusan waalan ka hor.
Lakiin
waxeey ila tahay qoraalkaan kadib afkaartoodii ineey badaleen, ileen nin
waalan waxaa ka liita ninkii raacee. ereyadaa waxeey marag madoonto u
yihiin fashilka ku dhacay dagaal-ooge C/qaasim. Taa waxaa kasii darnaa oo
kadaroo dibi dhal noqotay markuu uu usoo dhigtay dadyowga tirada badan ee
daga gobalka Mudug kuwaas oo uu ku tilmaamay ineey yihiin kuwa diinta ka
fog, kuna dhow ineey lo´da caabudaan sida hindida oo kale.
Waa
waxeey dadka qaarkii layaabaan, inkastoo aniga aan xogagaal u ahay
shaqsiyada dagaal-ooge C/qaasim, oo aan wuxuu guda iyo galaba aqaan.
Walaalayaal waxaa yaab leh inuu C/qaasim yiraahdo Soomali oo dhan baan
madaxweyne u ahay, uu isla markaana qayb soomaliya kamid ah ku tilmaamo
ineey dibida caabudaan, isla markaan sawaxanka afkiisa ka baxayey erayadaa
markuu lahaa dadkii culamada ahaa ee dhabgeeysanaye eey wada yaabeen.
Walaalayaal waxaa xusid mudan inuusan C/qaasim maanta waali ugu horeeynin,
ee uu un muda ah ku noolaa xaaladaann dacdareeysan ee daryeelka u baahan.
Wixii
Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga nasoo
gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka
eeg bilowga qoraalka.
|
XusuusNoow:
AllPuntland
wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu
kusoo bandhigaan ogaalkooda, hawlqabadkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta
AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta
. Mahadsanid
|
|