C/Risaaq
H. Huseen waa ABAHA SOMALI: LAMA GALO BAD WAYN ODOON DABAAL BARAN!
Waxaa
qoraalkan igu dhaliyay markaan akhriyay dhow qoraal oo dhalinyaro ku
qoreen allpuntland oo ay ku aflagaadenayaan Mudane C/Risaq Xaji Xuseen.
Somali
waxay tiraahdaa midaan talin jirin haduu taliyo midaan tagi jirin baa taga,
taa waxaan ooga jeedaa in dhaliyaradan uu shabakada internat:ka usaamaxday
inay kusoo gudbiyaan codkooda aysan waxbadan ka kororsan seebaanka maanta
uu aduunku ujanjeero iyo fikirka xorka ah ee muqdasobay. dhibi kumajirto
hadii qof si wax oola muqdaan balse taasi ma aha mid marmarsiiyo usiinaysa
inuu dafiro waaqica taagan.
Qofku
sharafta kuma kasbado wax laga sheegay ama laga qoray sidoo kalena oogama
ay dhacdo wax laga sheegay ama laga qoray ee sharaftu waa hadiyadaha
ilaahay qaybiyo mid kamida taas waxaa kuu daliila meeqaa qarash iyo maal
galiyay in boorar kasta lagu dhajiyo sawirkooda, magacooduna lagu heeso
hase yeeshee wadanha dadku galinwaysay in la sharfo.
Dowlada
Sinawi ee Mudane Cabdirisaq lahadlay aqoon yari iyo figrad gaabi malaha
kuma dhalin ee wuxuu yaqaan xeerarka aduunka, qanuunka la iskula
xisaabtamo, iyo cabiraadiisa amuuro kafog kuwa maanta taagan oo idinka aad
lajaha wareersantihiin.
Garan
maayo sidaan oogu garaabo qof difacaya wadan kamida kumeestayaashii
somaliya soomaray iyadoo sidoo kale uu fogeynayo mid kamida halgamayaashii
magaca aan wadano ee somaliya hirgaliyay.
Kuwa
sidaan ufakiraya (fikir gaabyaal) ayeey yihiin kuwii sal guuriyay wanaagii
laga dhaxlay odayaashii hore. iyagoo baday dadkii oogu karaama iyo sharaf
badanaa qaaradaa in ay noqdaan kuwo malaha iyo xaqiiqda kala saarin,
hamigooduna maanta iyo inta ishooda qabato uusan dhaafsiisneen.
Malaha
dhaxalku wuxuu kasoo jeedaa xukumadii hore ee S.Bare waxyaalihii xumaa ee
lago dhaxlo oo ay kamid ahayd dafirida taariikhda suuban ee somaliya
iyadoo 21 oc. laga dhigay malinta wadanka xaga 1 july la tirtiray.
Hadal
kaygii hore aan kunoqdee Wilalow Dabaal barta Aduunkan maalinba dhinac
usiqaya fikri gaaban ma koobi karo, ee yaan lagu sifoobin sidii dameerkii
faras ismooday oo kale.
W/Towfiiq
Eng.
Samatar