 |
XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo
fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo
bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland
waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta sidaas darteed
looma macnaysan karo inay ka turjumayso aragtida
AllPuntland . Mahadsanid |
|

|
Waa Maxay Hadafka Midnimadu? |
[ AllPuntland Opinion/Fikradaha ] |
Waxaa
caadi u noqotay dad badan oo Soomaaliyeed oo wax
qora inay yiraahdaan "waxaa loo baahan yahay
MIDNIMO ama waa in aynnu MIDAWNAA" iyo erayo kale
oo lamid ah. Haddaba kalimada "MIDNIMO" waxay
noqotay halhays ama halqabsi, hase yeeshee waxaa
muuqata in dadka kalimada "midnimo" isticmaalaya
oo dhami isku si u fahansanayn kalimadani waxay
tahay ama wax loola jeedo.
Marka ay dad wada hadlayaan ama doodayaan waa in
waxa ay ka doodaayaan marka hore la isla gartaa oo
meel la isla dhigaa. Sida awgeed waxa lagama
maarmaan ah in la fahmo micnaha kalimada
"midnimo". Bal aan is weydiino, waxay tahay
"MIDNIMO"?
Midnimo waxaa la oran karaa waxa weeye "ISU TAG
AMA IS-URUURSI SI HADAF LOO WADA FULIYO". Marka
arrinta ugu muhiimsan marka laga hadlayo midnimo
waxa weeye "hadafka, waa maxay sababta loogu
baahan yahay in loo midoobo"? Iyagoo dad ku kala
duwan xag af, xag diin, xag qabiil ama xag midab
ayay midoobi karaan, maadaama hadafkoodu isku mid
yahay. Sida awgeed marka la leeyahay ha la midoobo
, su'aasha meesha imanaysaa waxa weeye "waa maxay
hadafka midnimadu?.
Culumadu waxay qabaan in nooc kasta oo midnimo ahi
aanu wanaagsanayn, waayo waxay dad ku midoobi
karaan: "xaq darro, dulmi, caddaala-darro iwm,
isla markaana waxay isla kaashan karaan inay dad
kale xaqood dhacaan, qaataan ama si gardarro ah
ku baa'biyaan.Midnimada noocaas ahi miyay
wanaag-santahay ? Jawaabto waa maya, maxaa yeelay
waxay ka soo horjeeda diinta Islaamka.
Sidaas darteed, waa in la fahmaa in midnimo aan
caqiidadeena ama qaanuunka Caalamiga ku salaysnayn
ay tahay mid jac-bur ah oo aan wanaagsanayn.
Tusaale ahaan haddii aynnu soo qaadano Soomaaliya
waxaa burburiyay waa midnimo qabiil ku dhisan.
Haddii aan Ilaah ka baqno, waxaanu markhaati ka
nahay in qabiil waliba uu ku midoobey (midnimo) si
uu qabiil kale ama deriskiisa ku duulo, xaqoodana
u qaato.
Ta Soomaaliya maanta ka taagani waa taa oo dad
badani waxay isku bahaysteen in ay maroorsadaan
xaqa ay leeyihiin dadka laga badan yahay (the
minority) ama si xoog ahinay ku degaan dhulkooda
si ay u gurtaan khayraadka badda & berriga oo
Eebbe ku manneystay masaakiintaasi. Marka
midnimada noocas ahi miyay wanaagsan tahay?
Jawaabtu waa caddaan.
Tusaale kale aan u soo qaadno "Qaramada Midoobey
(UN), billowgii markay dhisanaayeen Ururkooda,
muxuu ahaa hadafkooda? Maa wuxuu ahaa ma inay
Ummadda Adduunka ku nool: cabburiyaan, baa'biyaan,
gumeystaan, caddaalad darro ku sameeyaan, gardarro
ugu duulaan, xaqooda boobaan ? Mise hadafkooda
wuxuu ku saleysnaa in ay Adduunweynaha u sugaan
xuquuqdooda, caddaalad & sinnaanta ijtimaaciga ah,
in ay ka hortegaan dulmiga, gardarrada, iwm?
Middan dambe ayey ku midoobeen Ururka Qaramada
Midobey, taa ayaana ah nooca midnimada ee
Bulshadeena looga baahan yahay in ay ku midoobaan
amaba isku bahaystaan.
Waxaan Ummadda Soomaaliyeed oo Ilaah ka cabsada,
xaqana u dirira, caddaalad iyo sinnaanta jecel,
dulmiga iyo gardarrada neceyb uga digayaa in ay ku
dhacaan dabinka noocaas ah. Dabcan waa in aannu
midoownaa si aan xaqeena u difaacno, hadafkeenana
aan gaarno, laakin waa in aynnu iska ilaalinaa in
aynnu u midawno in aynnu dad kale dulmino, waayo
muslimiinta dulmiga iyo xumahaba waa laga reebay.
Waxaynnu naqaanna xanuunka iyo dhibta uu leeyahay
dulmiga, sida awgeed. si aynnan ugu dhicin
khaladkaa weyn ee ay ku dhaceen qabiilka
dhulkeenna maanta haysta waa in ay midnimadeenu ku
dhisnaanta diinta Islaamka. Haddii ay taasi dhacdo
oo aynnu midnimadeena saldhig uga dhigno dhiinta
Islaamka marna xaq darro dad kale ugu midoobi
maynno isla markaana aqbali maynno dulmi iyo
gumaysi.
diinteennu ma oggola in aynnu dad dulmino,isla
markaa ma ogola in aynnu dulmi aqbalno oo waxay
innagu tiri qofkii dhinta isagoo iska difaacaya
dulmi ama xaqdarro waa shahiid oo kale.
Marka aynnu sidaa midnimadeenna ku sallayno, waxa
sahal noqonaysa in aynnu is taageerno oo kuweena
dhibaataysan waxaynnu u qaban karno u qabanno oo
aynaan cidla iskaga tegin. Maanta runtii cidla
ayaynu iskaga dhaqaaqnay. Si ay midnimo run ahi u
timaado waa inaynnu "MARKA HORE" waxaynnu u qaban
karno u qabanaa kuweenna dhibaataysan ee aynnu
dhulkii kaga nimid ee dhulkoodi xoog lagu haysto,
hantidooda la dhacay oo xitaa loo diiday in ay
beerahooda tacbadaan ama baddii weyneed ee Illahay
siiyey laga hor-istaagay in si hornimo oo
madaxbanaani ku dheehan tahay ka kalluumaystaan.
Haddii ay naxriis yar innogu hartay damiirkeena,
ma aha in aynnu Europa ama America intaynnu
fadhiisano oo niraahno "MIDNIMO, MIDNIMO", waa in
aynnu fikirnaa oo deresnaa sidii walaalaheena oo
Dalka ku dhibaataysanaannu u gar gaari lahayn,
dadka dulmiga ku haayaana laga badbaadiyo, iyadoo
loo maraayo sifo kasta ama tallaabo kasta ee
Diinta waafaqsan.
Eebbe wuxuu yiri: "haddaad wax ciqaabeysaan u
ciqaaba inta laydin ciqaabay, haddaad samirtaana
isaga u khayr roon kuwa samra (suura Al-Naxl,
Aayadda 126).
Dulmiilayaasha waxaan uga digaaya in ay ku waana
qaataan waayaha socodka taariikhda Adduunka, ha
ogaadaan in nin waliba beertuu abuuray ayuu
miraheeda goosan doona, haddii Eebbe uu raalli ka
noqdo. Waxaan dhambaalkan ku soo gunaanadaaya
"Xddiiska hoos ku xusan":
Nabiga (SCW) wuxuu yiri: "Muslim kasta waa
walaalka qofka kale ee Muslimahi, ma uu dulmiyo
mana u gacan geliyo cadowgiisa. Qofkii danta
walaalkii muslimka ah dar yeelana Alle weyne baa
dantiisa dar yeela. Qofkii qof muslim ah kurbo ka
feydana, Alle weyne baa ka feydamid ka mida
kurbooyinka maalinta QIYAAMAHA. Qofkii qof muslim
ah u ceeb asturaana Alle weyne baa u ceeb astura
maalinta QIYAAMAHA (Bukhaari & Muslim)-
Wa Billaahi Towfiiq.
Dr. Shariif Sheekhuna Maye.
|
|
Wixii
Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga qoray,
Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka.
Mahadsanid |
XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo
fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo
bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland
waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid |
| Ku
Noqo Bogga Maqaalada Akhristaha | Kulaabo
Bogga Hore AllPuntland |
Copyright © 2000-2001 by
allPuntland.com.
All rights reserved. Reproduction in whole or in part is prohibited
|
|