ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Ra'yiga Akhristaha 


Xasan Abshir oo Kuwait Joogaa

Posted to the Web   May 02, 2002

WQ

 Hassan Shide" 

hshide@hotmail.com 


Waxaa kuwayd soo gaadhay 29 4 2002 wafdi  uuu horkacayo raysalwasaaraha kooxda Carta Xasan Abshir Faarax.

Isla xalay oo arbaca ahaydna bishuna ahayd 1 5 2002 qayb ka mid ah jaaliyada Soomaaliyeed ee degan kuwayd, run ahaantii waxaan ahaa dadkii Xasan Abshir ugu tagay qaacada shirka ee hotelka shareton sida wanaagsana u soo dhegaystey qudbadiisii guulwadanimo iyadoo haba yaraatee aan aniga ii cuntamin hadaladii xasan abshir uu ka jeediyey goobtaas iyada ah isagoo si badheedha ah u difaacayey kooxdiisa carta ee uu hormoodka ka yahay saaxiibkiisa magacawday isaga ee cabdi qasim ,oo run ahaantii isagu marka la eego xasan abshir fahamsan in ay adag tahay in somalinimo la helo sidaa awadeedna u adeega maleeshiyaadka reerkiisa isagoo ku saacida inay xoog iyo dhacba ka geystaan koonfurta somaliya siina xejistaan malka iyo beeraha iyo deeganada ay maleeshiyaadka reerkiisu ka haystaan umada somaliyeed,waxaana taa ka marag kacaya hubka iyo maaliyada qaran wejigiisa lagu soo qaaday inuu cabdi qasim u raray kismaanyo iyo dhul kale oo ay beeshiisu xoog ku haysato xaga xasan abshir iyo raga xisbiga la ahi ku doodayaan inay burburiyaan deegaanadooda iyagoo adeegsanaya baaqiga cabdi qasim ka soo hadhay maleeshiyadiisa inay ku burburiyaan deegaanada nabadu ka jirto.

 
waxyaabahii xasan abshir kaga hadlay meeshaas hadaan wax ka taabtaabto waxa ka mid ah isagoo sheegay inuu hadii uu wax socodsiin kari waayo uu ku celin doono cabdi qasim oo uu i yidhi isagaa ayaa i magacaabay ,iyadoo aynu wada ogsoonahay in xitaa cabdi qasim ruuxiisa ay ridi karaan barlamanku ayaa waxa uu uu abshir u muuqday nin u arka cabdi qasim inuu maamulka carta ku yahay muqadas ninkuu doonana isagu erya kuu doonana magacaaba ,taas oo khilaafsan dastuurkii carta lagu soo dhisay .

 

waxa kaliya ee aanu leenahay hadiiba ay dhacdo in abshir iyo kooxdiisu ay ka hesho wax gargaar ah kuwait bal abshir in aanay qaybtiisu gacanta u gelin cabdi qasim oo hub iyo rasaas u siin doona maleeshiyada uu reer ahaan ka soo jeedo kuwaas oo dhac iyo boob iyo xoogba ku jooga dhulalka koonfurta somalia intooda badan sida marka baraawe,kismaanyo kuntuwarey sablaale iyo kuwa kale oo badan ,mana suurta galayso in kooxda carta gacan ka hesho umada somaliyeed tan iyo inta ay jiraan dulmiyada cabdi qasim iyo reerkiisu ku xalaashanayaan umada somaliyeed.
 

waa bilahi towfiiq.     

waxaa diyaariyey .

Xasan Xuseen Shide.


Wixii Su'aal qoraalkaan  aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka eeg bilowga qoraalka.

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda, hawlqabadkooda  iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Ku Noqo Bogga Maqalada ama Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.