AllPuntland: Qoraalada Akhristaha 

Warsaxaafadeed  Afhayeenka SRRC,Waqooyiga  Maraykanka

Posted to the Web   February 18, 2002

Waxaa soo saasaray

Cabdi-Barre Afhayeenka SRRC ee waqooyiga Maraykanka.

jabriil62@hotmail.com

hh

Waxaa shalay oo Taariikhdu ahayd 18-02-02 Dagaal kuluul ka dhacay magaalada

Baardheere dagaalkaas oo dhexmaray,xoogaga SRRC iyo kuwa maxaysatada ah ee ka

amrqaata ina Salaad Booy iyagoo soo weeraray fariisimada ciidamada SRRC, ilaa lagu

geeyey firxadkoodi magaalada gudeheeda halkaasoo uu ka dhacay dagaal la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kaladuwan.

 

Hadaba arintu si kasta ahaate markii dagaalkaasu socday mudo dhan hal saac,ayaa

gabi  ahaan magaalada waxaa gacanta ku dhigay cutubyo ka tirsan ciidamada SRRC, 

iyago maxaysatada halkaas lagu gaarsiyey qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, 

islamarkaasna laga furtay hub aad u faro badan, hadana  firxadkii ka baxsaday ay isku

daadsheen wabiga.

 

Dagaalkaas oo sidaas u dhacay ayaa waxaa maxaysatada u soo gurmadey dhamaan uruurka Al-itixaad oo ka soo gurmadey maalmihii nasoo dhaafay tuulooyinka kala ah Ceel-Waaq, Raaskamboni, Darasalaam iyo Gado iyadoo ay kala hogaaminayaan Xasan Turki iyo Col. Indhacade, hadda ciidamada SRRC ayaa gacanta ku ahaya 10 ka mid ah uruurka Al-itixaad, waxaana lagana gubey sadeex gaari oo kala ah gaari Cabdibille ah, hal gaari oo xamuul ah,iyo hal gaari Tikniko ah.

 

 Isla wakhtigaas waxay kaloo soo werareen calooshood u shaqaystayaasha kooxda

carta tuulada la yiraahdo yaaq Baraawe oo magaalada Diinsoor kaga beegan koonfuur bari una jirta Diinsoor  40KM, maxaysatadaas oo uu hogaaminayao Axmed Warsame,

halkaas oo lagu jabiyey maxaysatadii, iyagoo haalkaas looga diley 11 maxaysato, waxaana

goobtaas looga fuurtay ama laga qabsaday lix Tikniko ah, dagaalkaas oo la isu adeegsadey

hubka culus iyo kan fuduudba.

 

 Waxaa maalmahaan oo dhan ina Salaad Boy,ku daldalayey magaalada Kismaayo shixnado hub ah iyo ninka la yiraahdo XASN  ABSHIIR iyagoo ku tilmaamay cadaw shisheeye dadka dhulkoodii laga barakiciyey.

 

Waxaan ummadda soomaaliyeed u sheegaynaa in ay  BBC-da laanta afsomaligu noqotay afhayeenka kooxda Carta, waxayna ku sifawday in ay had iyo goor bunbuuniso wax aan sal iyo raad toona lahayn, fulisana arrimaha kooxda Carta, waxayna ku fulisaa saxaafada, waxayna noqotay mid  afka kula dagaalanta dadka xaq u dirirka ah ee diidan reeryada Carta, iyadoo la baroorataa kooxda Carta waxaa taas u cadayn ah iyodo qarisay intaas oo

war ah sheegtayna waxaan waxba ka jiirin, waxayna iska caadaysatay inay ku hadasho afka kooxda Carta .

 

Cabdi-Barre Afhayeenka SRRC ee waqooyiga Maraykanka.

jabriil62@hotmail.com

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga qoray, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Ku laabo Bogga Fikradaha Akhristayaasha  ama Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2001 by allPuntland.com.  

All rights reserved. Reproduction in whole or in part is prohibited