ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Ra'yiga Akhristaha 

Beenin Qoraal.

Posted to the Web   April 12, 2002

WQ

Xuseen Cali Cilmi

xuscalcilmi@yahoo.com 


Anigoo Xuseen Cali Cilmi Cheif Editor of Assiyaasa News papers &   Chairman of Somali Human Right waxaan halkan ku caddeynayaa inuusan jirin  wax xiriir ah oo inaga dhaxeeya aniga & Webside-ka  lagu magacaabo( Puntland post )  aysan  jirin . Ayadoo xaalku sidaasi yahay wuxuu iga faafiyey maqaal been abuur ah oouu ugu magac daray (Sawaxan adag oo kasoo yeeray  Koroneel C/ Laahi Yuusuf  =W.Q:Xuseen Cali Cilmi ). 

 

Maqaalkaasi waxaa lagu taageerayaa sida ku cad kooxda argagixisada AL-Qaacidda  IWM, waxaa ka mid ahaa waxyaalaha  foosha xun ee uu xambaarsanaa maqaalkaasi , aflagaaddo loo geysanayo madaxweynaha dowladgoboleedka Puntland mudane C/Laahi Yuusuf Axmed isla markaasi lagu taageerayo madaxa argagixisada Soomaaliyeed C/Qaasim Salaad Xasan,  intaan C/qaasim jagadaasi loogu magacaabin   shirkii Carta ayaan ku faafinnay wargeyskayaga Assiyaasa cinwaan la yiraahdo ( Soomaaliya  Fataal u talin maayo) , sidaa aawadeed af C/Qaasim lagu ammaano iguma yaal. wuxuu caalmku ka dheregsan yahay mowqifka aan ka taagnahay kooxaha argagixisada. Maqaalkaasi waa been abuur aan sal & raad aan laheyn oo la doonayo in magaceyga  lagu xumeeyo, wixii cawaaqib xumo ee ku yimaada (puntlandpost webside) ha u diyaar noqdeen raggii  furtay web-kaasi,dagaalkii aan galnay kooxda argagixisad  Al-Barakaat mid ka kharaar ayaa lagaleynaa .                  


Kor u qaada codkiina oo Ha la idin maqlo...


The opinions contained in this article are solely those of the writer, and in no way, form or shape represent the editorial opinions of AllPuntland.com

Please direct all questions on the above article to

Wixii Su'aal qoraalkaan  aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka eeg bilowga qoraalka.

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda, hawlqabadkooda  iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.