BISMILAAHI
RAXMAANI RAXIIM.
BAAQ NABADEED
OO KU WAJAHAN PUNTLAND.
 |
Yaasiin Xaaji Muuse Boqor |
KU:
Culumaa’udiinka.
KU: Hogaan
Dhaqameedyada(Isimada).
KU: Shacabka
Puntland.
Saad u
dhantihiin waxaan idiin soo dirayaa salaan tan ugu
qiimaha badan ASALAAMU CALEEYKUM
WARAXMATULAAHI
WABARAKAATU.
Salaan bacdi
waxaan ugu horeentii TACSI udirayaa qaraabadii iyo
ehelkii dadkii ku geeryooday iskahor imaadyadii ka
dhacay Puntland.
Aniga oo
qiimeeynaya xaalada qalafsan ee uu maanta kusugan
yahay dadka walaalaha ah ee reer Puntland oo ah
runtii mid uu shaqsi damiirlahi uu ka
aamusikarin,waxaan ugu baaqayaa
Culumaa’udiinka,Isimada,Shacabka,Waxgaradka reer
Puntland NABAD,waxana ku talinayaa hadii qeyr uu
kujiro qodobada soo socda hadii layeelikaro.
-
In qof walba
oo u dhashay gobolada Puntland uu katoobad keeno
hadalada lacaadeeystay oo ah Soomaali waa
burburtay Puntlandse waxaa badbaadshay Isimada
taas oo gef ku ah alle awoodiisa,lana qiro
nimcada alle.
-
In qof waliba
uu iskii xil isaga saaro in Puntland dagaal
danbe uusan ka dhicin,xabadana xaraf lagu
bedelo(inlawada hadlo)
-
In lasoo
dhaweeyo baaq walba oo nabad xanbaarsan,ama
arinwalba oo baajin karta dhiig danbe oo
gobolada Puntland ku daata.
-
In Isimada
Puntland ay meel uga soo wada jeestaan
nabadeenta shacabkooda si degdeg ahna u
abaabulaan shir ay isugu yimaadaan dhamaan
Isimada
Puntland,culimaa’udiinka,waxgaradka,IWM cayimida
shirkana lagu dhawaaqo si degdeg ah taas oo
aan qabo in ay hor sitaageyso dagaal
dhaca,shirkaas na looga
tashado nabadgelyada,
midnimada,
horumarinta,iyo aayaha
Puntland.
-
In taladada soo socota oo
taariikhdu tahay 22.1.2002 laga abaabulo dhamaan
magaalooyinka waa weyn ee
Puntland banaanbax lagu baaqayo nabad dadka
walaalaha ah
ee Puntland taas oo aan qabo iyadana in ay
xaalada wax
kabedelidoonto kana turjumidoonto nabad jaceelka
shacabka Puntland.
Waxaan idinku boorinayaa in
NABADA laga shaqeeyo laguna bixiyo qiimo walba
taas ayaana shaqsi walba oo reer PUNTLAND ahina
dan ugu jirtaa,laguna mashquulin intii ay toodii
gashay ee loo taliyo inta nool.
Waxaan mahad balaaran usoo
jeedinayaa inta samaha katalisay kuna mashquulsan
nabad ka aslaaxda Puntland.
MUDANE YAASIIN XAAJI
MUUSE BOQOR.
E-MAIL
YASSIN_BOGOR@YAHOO.COM
TEL:0031243442097 GURIGA.
TEL:0031641300208 GACANTA