ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Akhristaha

Maxaa Loo Yiri Soomaalidu Isuma Imaan Karaan?

Posted to the Web  June 08, 2002

WQ.

Mahad Cabdule" 

turbashaash@somalitalk.com 

 

Aqristoow, waxa taa beeneeyay Bahda Sportiga Somaiyeed ee Canada(Toronto)

Waxaan ahay wiil Somalyeed oo booqasho ku tagay Canada-Toronto sanadkii aan soo dhaafnay.

Runtii waxaan soo arkay aad iyo aad ayay iiga yaabiyeen, oo hadii la iiga sheekayn lahaa aa-nan aqbaleen ama rumaysteen. 

Waxaan ku noolahay Yurub, oo qaarkiin sida ay ula socdaanba ay tahay meel cidladu ku badantahay Mogdigu badan tahay, is dhex galku ku yar yahay gaar ahaan Somalida, oo waliba xagga Sportiga aan aad uga liidano. 

Waxa sanad walba lagu qabtaa Canada-Toronto, wax ay ugu maga caabeen (Somali-week).

Oo loogu tala galay dhamaan umada Somaliyeed oo ku nool dunida.

Waxa la- ciyaara kubad(balooni) socda ilaa usbuuc(week) 

Hadaba aqristow lama yaabin kubada la ciyaarayay ee waxaan la yaabay sida loo soo qaban qaabiyay. Iyo sida umada Somaiyeed isku xilqaamayeen ama isku dhagaysanayeen, gaar ahaan dulqaadka-ixtiraamka-ismaqalka-kaladanbaynta.

Waxaan halkaa kula kulmay dhalinyaro ama cayaartooydii hore ee Somalida, oonan marna filayn in aan dib u arki doono. Markaan wajiyadoodii arkay , waxay dib iigu celiyeen ama ii soo xasuusiyeen taariikhdii wanaagsanayd ee nasoo martay,nabadii, aanu hasan jirnay. 

Waxaan aad ula yaabay sida cayaartooydaas iyo dhalin yarada kale ee Somaliyeed isku xilqaameen , oo ay u qaban qaabiyeen barnaamijkaas wanaagsan.

Kooxihii cayaarayay waxay ka kala yimaadeen dunida oo dhan gaar ahaan Waqooyiga Maraykanka-Canada-Nederlaan(Holland)-UK.

Waxa dhamaantood loo qaybiyay makhaayadaha Somalida ee ku yaala Toronto, oo iyaguna si cajaaib leh u qaabilay, iyaga oonan eegayn dadka ay yihiin iyo meelaha ay ka yimaadeen.

Waxaa ka mid ahaa maqaayadihii aan layaabay soo dhawaynta-Banaadir.Wagad-Xamdi-iyo qaar fara badan oonan halkan ku soo koobi karin ama magic yadoodii hada anan xasuusnayn. 

Waxa iyaguna garoonka imanayay mar walba oo aad iiga yaabiyay, Odayaal -Dumar caruurtoodii la socoto, oo si xarago leh qof walba u la bisan yahay, qof walbana uu taageerayo kooxda uu jecel yahay, af lagaadaduna aad ugu yar tahay garoonka, oo cid cid ku xad gudbaysaa anayna jirin. 

Marka cayaartu dhamaatana waxay dadku isugu imanayeen Maqaayada Banaadir horteeda halkaas oo laga sheekaysanayay, cayaartii maanta dhacday iyo ta bari dhici doonta, waxan kaloo halkaa ka dareemayay ,qosol farabadan-farxad, dacaayad macquul ah----. 

Qaban qaabiyashee aad isku xil qaamay een halkaa kula kulmay waxa ka mid ahaa Saxiibkayga qaaliga ah Abdi-Adan-abaar. Waxan kale oo la kulmay cayaartooydii hore ee somalida sida.

(1)Yusuf-shaqaaq

(2)Cantar

(3)Iitoob

(4)Muqtaar-cuti

(5)Ganjab

(6)Tuke

(7)Abdi-Adan

(8)Abdi-dheere

(9)Giftin)

(10)Said-dhuuni

(11)Salaad-shiino iyo idinka oo iga raali dhalinyaro fara badan oon halkan ku soo koobi Karin.

Markaa su-aashaydii waxay ahayd maxaa loo yiri Somalidu isma maa-muli karto ama wax ma wada qabsan karaan.

Runtii waxa beeneeyay bahda Sportiga Canada-Toronto. 

Waxa aan jeclaan lahaa hadaba hadii siyaasi-yiinteenii ay ku fashilmeen in ay xukumaan umada Somaliyeed . Haloo dhiibo xukunka ku wa u qalma , gaar ahaan bahda Sortiga oo uu ka dheer yahay qabiilku beentuna ku yar tahay,runtuna ku badan tahay.

Aqristoow hadii aad arki lahayd qaban qaabadaa runtii waad igu raaci lahayd, waxa laga yaabaa in ay qaarkiin layaabaan waxan aan ku hadlayo, runtii aniguba hadii la iiga sheekayn lahaa waan layaabi lahaa. 

Hadii aan hadaba soo gaabiyo hadal kayga, u ogalaada maamulka Somaaliya bahda Sportiga, una qira sida ay u kala danbeeyeen ,qofna qofka kale ku xad gudbeeyn, nin walbana qaybtii loo dhiibay uu si fiican uga soo baxayay, isaga oon lacag ku qaadanayn, waqtigiisiina ku lumiyay farxad ay faraxdo umada Somaliyeed ee ku nool Canada(Toronto).

Waxayna I jeclaysiiyeen in aan marlabaad ku soo noqdo Canada.

Waxaa mahadaas leh bahda Sportiga Somaaliyeed ee reer Canada. 

OBS- Hadii aad u baahan-tihiin dhamaan sawiradii aan ka qaaday garoonka waxaad igala soo xiriiri kartaan mailkayga halkaas ku qoran, waana bilaash.

Waa sawiro cayaartooydii iyo umadii ka soo qayb gashay, la soco waa bilaash.

Mahadsanidiin, kuligiin. 

By Mahad-(Turbashaash)  

 

Maqaalkii Hore ee Mahad

Waa Maxay Jacayl? iyo Talooyin! Mahad Cabdulle June 07
   

Wixii Su'aal qoraalkaan  aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka eeg bilowga qoraalka.

AllPuntland Mas'uul kama aha qoraalka akhristayaashu kusoo bandhigaan Ra'yigooda iyo ogaalkooda, mas'uliyada Qoraalka waxaa leh qoraaga, AllPuntland Kaalinteedu Waa Baahinta Ra'yiga xorta ah.. Mahadsanid

Ma doonaysaa inaad codkaaga gaarsiiso aduunka ku soo dir fikir@allpuntland.com ,soo raci magacaaga oo buuxa, iska ilaali ereyo gef ku ah Diinta Islamka, Qabiil ama Qof. AllPuntland: Akhristaha

ama Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.