Posted
to the Web June
08,
2002 |
Aqristoow,
waxa taa beeneeyay Bahda Sportiga Somaiyeed ee Canada(Toronto)
Waxaan
ahay wiil Somalyeed oo booqasho ku tagay Canada-Toronto sanadkii aan soo
dhaafnay.
Runtii
waxaan soo arkay aad iyo aad ayay iiga yaabiyeen, oo hadii la iiga
sheekayn lahaa aa-nan aqbaleen ama rumaysteen.
Waxaan ku noolahay Yurub, oo
qaarkiin sida ay ula socdaanba ay tahay meel cidladu ku badantahay Mogdigu
badan tahay, is dhex galku ku yar yahay gaar ahaan Somalida, oo waliba
xagga Sportiga aan aad uga liidano.
Waxa sanad walba lagu qabtaa
Canada-Toronto, wax ay ugu maga caabeen (Somali-week).
Oo
loogu tala galay dhamaan umada Somaliyeed oo ku nool dunida.
Waxa
la- ciyaara kubad(balooni) socda ilaa usbuuc(week)
Hadaba
aqristow lama yaabin kubada la ciyaarayay ee waxaan la yaabay sida loo soo
qaban qaabiyay. Iyo sida umada Somaiyeed isku xilqaamayeen ama isku
dhagaysanayeen, gaar ahaan dulqaadka-ixtiraamka-ismaqalka-kaladanbaynta.
Waxaan
halkaa kula kulmay dhalinyaro ama cayaartooydii hore ee Somalida, oonan
marna filayn in aan dib u arki doono. Markaan wajiyadoodii arkay , waxay
dib iigu celiyeen ama ii soo xasuusiyeen taariikhdii wanaagsanayd ee nasoo
martay,nabadii, aanu hasan jirnay.
Waxaan
aad ula yaabay sida cayaartooydaas iyo dhalin yarada kale ee Somaliyeed
isku xilqaameen , oo ay u qaban qaabiyeen barnaamijkaas wanaagsan.
Kooxihii
cayaarayay waxay ka kala yimaadeen dunida oo dhan gaar ahaan Waqooyiga
Maraykanka-Canada-Nederlaan(Holland)-UK.
Waxa
dhamaantood loo qaybiyay makhaayadaha Somalida ee ku yaala Toronto, oo
iyaguna si cajaaib leh u qaabilay, iyaga oonan eegayn dadka ay yihiin iyo
meelaha ay ka yimaadeen.
Waxaa
ka mid ahaa maqaayadihii aan layaabay soo
dhawaynta-Banaadir.Wagad-Xamdi-iyo qaar fara badan oonan halkan ku soo
koobi karin ama magic yadoodii hada anan xasuusnayn.
Waxa
iyaguna garoonka imanayay mar walba oo aad iiga yaabiyay, Odayaal -Dumar
caruurtoodii la socoto, oo si xarago leh qof walba u la bisan yahay, qof
walbana uu taageerayo kooxda uu jecel yahay, af lagaadaduna aad ugu yar
tahay garoonka, oo cid cid ku xad gudbaysaa anayna jirin.
Marka cayaartu dhamaatana waxay
dadku isugu imanayeen Maqaayada Banaadir horteeda halkaas oo laga
sheekaysanayay, cayaartii maanta dhacday iyo ta bari dhici doonta, waxan
kaloo halkaa ka dareemayay ,qosol farabadan-farxad, dacaayad macquul ah----.
Qaban qaabiyashee aad isku xil
qaamay een halkaa kula kulmay waxa ka mid ahaa Saxiibkayga qaaliga ah
Abdi-Adan-abaar. Waxan kale oo la kulmay cayaartooydii hore ee somalida
sida.
(1)Yusuf-shaqaaq
(2)Cantar
(3)Iitoob
(4)Muqtaar-cuti
(5)Ganjab
(6)Tuke
(7)Abdi-Adan
(8)Abdi-dheere
(9)Giftin)
(10)Said-dhuuni
(11)Salaad-shiino
iyo idinka oo iga raali dhalinyaro fara badan oon halkan ku soo koobi
Karin.
Markaa
su-aashaydii waxay ahayd maxaa loo yiri Somalidu isma maa-muli karto ama
wax ma wada qabsan karaan.
Runtii
waxa beeneeyay bahda Sportiga Canada-Toronto.
Waxa aan jeclaan lahaa hadaba hadii
siyaasi-yiinteenii ay ku fashilmeen in ay xukumaan umada Somaliyeed .
Haloo dhiibo xukunka ku wa u qalma , gaar ahaan bahda Sortiga oo uu ka
dheer yahay qabiilku beentuna ku yar tahay,runtuna ku badan tahay.
Aqristoow
hadii aad arki lahayd qaban qaabadaa runtii waad igu raaci lahayd, waxa
laga yaabaa in ay qaarkiin layaabaan waxan aan ku hadlayo, runtii aniguba
hadii la iiga sheekayn lahaa waan layaabi lahaa.
Hadii
aan hadaba soo gaabiyo hadal kayga, u ogalaada maamulka Somaaliya bahda
Sportiga, una qira sida ay u kala danbeeyeen ,qofna qofka kale ku xad
gudbeeyn, nin walbana qaybtii loo dhiibay uu si fiican uga soo baxayay,
isaga oon lacag ku qaadanayn, waqtigiisiina ku lumiyay farxad ay faraxdo
umada Somaliyeed ee ku nool Canada(Toronto).
Waxayna
I jeclaysiiyeen in aan marlabaad ku soo noqdo Canada.
Waxaa
mahadaas leh bahda Sportiga Somaaliyeed ee reer Canada.
OBS- Hadii aad u baahan-tihiin
dhamaan sawiradii aan ka qaaday garoonka waxaad igala soo xiriiri kartaan
mailkayga halkaas ku qoran, waana bilaash.
Waa
sawiro cayaartooydii iyo umadii ka soo qayb gashay, la soco waa bilaash.
Mahadsanidiin,
kuligiin.
By
Mahad-(Turbashaash)
Maqaalkii Hore ee Mahad
Waa
Maxay Jacayl? iyo Talooyin! Mahad Cabdulle June 07
Wixii
Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga nasoo
gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka
eeg bilowga qoraalka.
|
AllPuntland Mas'uul
kama aha qoraalka akhristayaashu kusoo bandhigaan Ra'yigooda iyo
ogaalkooda, mas'uliyada Qoraalka waxaa leh qoraaga, AllPuntland Kaalinteedu Waa Baahinta
Ra'yiga xorta ah.. Mahadsanid
|
Ma doonaysaa inaad codkaaga gaarsiiso aduunka ku soo
dir fikir@allpuntland.com
,soo raci magacaaga oo buuxa, iska ilaali ereyo gef ku ah Diinta Islamka, Qabiil ama Qof. AllPuntland:
Akhristaha |
|