ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay sheegto Waxayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg.

AllPuntland Opinion / Fikradaha

ssThe opinions contained in this article are solely those of the writer, and in no way, form or shape represent the editorial opinions of AllPuntland.com

 

Bayaan

BAYAAN:
Dareenka iyo laxawga Haweenka Puntland/Jubbaland.

[ AllPuntland Opinion/Fikradaha ]

January 23, 2002

Posted to the Web   January 23, 2002

Waxaa AllPuntland soo gaarsiiyay

Drs. Sureer Abshir Muuse Mataan

Somalcentre@aol.com

Ku:

Dhamman Isimada iyo Nabadoonadda Reer Puntland
Maamulka iyoSiyaasiyiinta Puntland
Culamaa'u diinka Puntland
WaxgaradkaRag iyo Dumar
Ganacsatada
Jaaliyadahadibadaha ee reer Puntland/Jubbaland
Guud ahaandadka reer Puntland/Jubbaland



Ujeeddo: Go'aan kasoo baxay haweenka Reer Puntland iyo Kismaayo ee Magaalada London .

Shir ay isugu yimaadeen qaybo ka kala socda haweenkabeelaha reer Puntland iyo Kismaayo ee deggan magaalda London iyo nawaaxigeeda,  ayaa looga hadlay arimaha murugsan ee ka taagan Puntland iyo degaanada Jubada hoose, gaar ahaan Kismaayo.

Waxaa haweenku aad uga xumaadeen inqilaabyada siyaasadeed / dhaqaale ee ka taagan Puntland, kaasi oo keenay in uu horseedo dhimasho, dhaawac, kala-qaybsanaan (Polarisation) aan loo baahnayn. Waxaa noo muuqatay in siyaasiyiinta iyo odayaasha beelaha reer Puntland  aysan wali ku guuleysan dhibaatada nahaysata ay ku dhameeyaan si nabad ah.

Waxaa kaloo caddaatay inkastoo Issimadii soo jireenkaahaa ay ku dadaaleen wanaag oo dhan, in haddana waxaa warku nagu soo gaarayaanin shaqsiyaad magac Issin wataa ay Tuuto u xirteen sidii ay isugu laynlahaayeen dadka walaalaha ah. Arrintaas oo ah dhaqan khatar ah oo taasoo hor-seedikartadhibaato ugub (precedence). Sida gabar dhalinyaro ah oo shirka ka sooqayb-gashay ay ku maah-maahday, Geel duqihiisii durduriyeen aarankiisa maxaadmooddaa!!!, waxaa dhab ah in Issinkii sidaas u dhaqma ee cadowga la saftaa inuusan wax xil ah u qaadi karin dadweynaha reer Puntland/Jubbaland taariikhdana uu meel madow ka galidoono uusan masalikarin dadkooda.

Sidaa darted markii aan isla falanqaynay oo si aad ah uga baaran dagnay xaalku halka uu hadda marayo, waxaa haweenka Puntland ee reer London isla qaateen in loo gudbiyo dhamaan qaybaha aan kor ku xusnay DAREENKOODA IYO LAXAWGOODA arrimaha socda ku aaddan.

1.      In qooysaskii qaraabadoodu fitnadaan ku geeriyoodeen ama ku dhaawacmeen lagu qanciyo si kastaa iyo sidii lagu daaweyn karo; in dadkii wax kala gaareen dhibkooda lagu xaliyo sidii dhaqanka suubban ahaanjiray.

2.      In dhibaatada siyaasadeed ee hadda ka aloosan Puntland aan lagu xalinkarin kooxaysi iyo dana gaar ahaaneed ee runtu waa caddahay aan dadka la isku  layn caasumadda Garoowena aan dagaalka lalabeegsan maadaama ummaddii shanta gobol iyo Buuhoodleba joogaan.


3.      In laga digtoonaado khatarta ay keenikarto marka loo isticmaalo dekadaha iyo air-port-yada dalka sidii meel qof shaqsi ah leeyahay ama loo isticmaalo canshuurta ka soo xeroonaysa dekadda ajende qarsoon oo ay leeyihiin dad aan u danaynayn dadkeenna iyo dalkeenna.

4.      Waxaa dhacday maalinti Isniinta ee taarikhdu ahayd 21-kii Janaayo 2002 in sidaandaansi ah oo xilkasnimo la'aan ah iyadoo aan loo meel dayin madfac lalabeegsaday meel deegaan ah ee ka mid ah magaala madaxda Garoowe. In kastoo Eebbe uu naxariistiisa caruurtii iyo shacabkii uusan wax ku yeelin misna waadgarankartaan khatarta ay dhacdadaasi leedahay. Sidaas awgeed waxaan kubaaqeynaa in si degdeg ah hubka looga dhigo dadka sida khaldan qoryaha loogu dhiibay laguna magacaabay MARYO-CALAS, dibna loo dhaqan-celiyo ayagoo loo helayo shaqooyin iyo xirfado ay si xalaal ah ugu noolaadaan.

5.      In ciidamada taba-baran ee Daraawiishta iyo Booliska Puntland oo magaca Ilaahey umaray badbaadinta dalkooda iyagoo Eebbe ku tiirsan Issimada iyo shacabkanakaashanaya ay si deg-deg ah u sugaan amniga dhammaan deegaanka Puntland.

6.      Waxaan uga digaynaa dadka dibadaha ka tagay intay waddankooda wax u tari-lahaayeen ineysan isku dayin sidii dabka baasiin ugu shubilahaayeen si ay u gaaraan dangaara iskuna layn  dhalinyarada jaah-wareersan, caraysan oo cadilan kuwaasoo wax-barasho ,  waano. Fahmida baahidooda bulshadeed.

7.      Waxaan si gaar ah uga xunahay foolxumada iyo dibindaabyada ay Dooxatada Jubba  ku hayaan dad rayidka ah dulman oo ay xooggaku haystaan deegaankooda .

8.      Waxaan kula talinaynaa dadka uu ka midka yahay Sareeye Guuto  Ali Ismaaciil oo soo guryo-noqday ayagoo ka faa'ideysanaya wadciga jaahwareerka ah ee dalka ka taagan Puntland iyo Somaliyoo dhan ama fikrado kale inaysan marna isku dayin iska hor-keenka dadka walaalaha ah iyo wixii amniga Puntland wax-u-dhimikara .

9.      Ugu dambaystii waxaan dadka reer Puntland ku adkaynaynaa in ay xil iska saaraan nabadaynta dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo midnimadooda kuna dadaalaan inay ka fogaadaan wixii  wixii sababi kara xassiloonidarro  ka aloosanta gobolka Geeska Africa.

Allaah awoodda leh waxaan kabaryeynaa in dadkayaga dhibbanaha ah ee lasoo bara-kiciyey uu ka koriyo dhibaatada ay ku jiraan. Waxaan u hambalyeynaynaa una ducaynaynaa Issimada ku dadaalay hakinta dagaal sokeeye, wax-garadka, ururada haweenka Puntland, ciidamada u dhaartay inay difaacaan dalkooda iyo culimaa'u diinka sharafta lehee aan dagaalka hor-seedayn kuwaasoo ku sugan dariiqii Eebbe iyo rasuulka(SCW).

Ugu dambaystii waxaan xusuusanaynaa una ducaynaynaa odayaashii  ay ka mid ahaayeen  Cali Waraabe, Gurey Haji Yusuf, Ugaas Dakhare, Haji Qoraxay, Haji Abdi-maneeno. Waxaan u tacsiyeynaynaa dadkii iyagoo nool la gubay, kuwii baabuurta la dulmariyey sidii Abdirizak Hirsi Dheere, dumarkii la kufsaday iyo kuwii la bara-kiciyey. Waxaan si gaar u xusuusinaynaa haweenka geesiyaasha ee reer Puntland/Jubaland inay dhacdooyinkaas madow xusuustaan oo hadday doonaan cafiyaan laakiin aan marna la ilaawikarin.

Allaahuma hal balaqnaa Allahuma fash-had.


Wabilaahi Tawfiq

Saxiixayaasha

1.    SucaadBashiir Nuur Geeddi
2.    WarisFarah Ali Qase
3.    HalimoAhmed Duub-weyne
4.    HawaHaji Abdullahi Shirwac (Qore)
5.    SureerAbshir Muuse Mataan
6.    KhadraBulxan
7.    FaadumoAbshir Farax
8.    CadarHussein
9.    SahraYuusuf Geelle
10.BarniXayir
11.CaashaAbshir Faarax
12.MaryanXayir
13.SahraAbdi Muuse
14.HodanAhmed Mire
15.SuleekhoAbdi Barre
16.AbwaanadSiciido Abdi Muuse
17.CaashaAllegaro
18.SaciidaYuusuf Mohame
19.HawaMaclin Lugay
20.AmbiyaJamac
21.ZeynabMohamed Jaamac Kaarshe
22.Hawa-yareyAdan
23.LulAdan
24.FatxiyaMohamed Ahmed
25.SaciidaAdan Diiriye
26.SahraGabon
27.HawoMatooto
28.HawoHaji Shire
29.MaryanGodo Haji Abdullahi
30.HawoGeelle Mohamed Kaneec
31.LulAbdi Muuse
32.MaryanXoog-weyn Guuleed
33.KhadiijaNuur Kasteeli
34.MaryanMohamuud Abshir
35.ShamisMohamuud Abshir
36.NadiifaFarah
37.HawaCiise
38.MaryanCali Abdirahman
39.CaashaXasan Bile
40.HawaMacalin Adan
41.HawoWarsame Buryar
42.KhadiijaAbuukar
43.MulkiHussein
44.ShukriMuuse
45.BadranAdan Seed
46.AyaanQaasim Hussein
47.AmaalAbdi Jibriil
48.AyaanAbdi Jibriil
49.HibaAdan Hussein
50.SahraSheikh Hassan Sheikh Abdirahman
51. Ibada Issa Shirwac
52. Zeinab Jamal Karshe
53. Batran A Sed
54. Bisharo Warsame
55. Nasra Abdi Rabi
56. Zeinab Haji  Hussein
57. Mariam Haji Abdullahi
58. Sahro Sheikh Ali
59. Cadar Xussein Mire
60. Habiibo Xirsi
61. Hodon Siciiid
62. Farhiyo Said Haji  
63.  Asha Ahmed Ismail  
64.  Saida Calwan Mohamed
65.  Zeinab Yussuf Mohammed
66. Marwo Ali Botan
67. Jamilo Diriye Ali Dheeg
68.  Hawo Adan Warsame
69.  Hawo Hassan Hagi
70.  Muhubo Osman
71. Habiba Hodan Hersi
72. Isir Cabdulahi Sheikh Nuur
73. Halima Mohamed
74. Ismahaan AbdirahmanBotan  
75. Idil Saciid
76. Safiya Mana-fato
77. Farhiya Maana-fato
78.  Hibo Hassan
79.  Laila Dahir
80.  Nasra Mohamed
81. Nasrin Muuse Qaaddirye
82. Faaduma Hassan Dhooqa-ruug
83. Halima Warsame Farah Shillin
84. Zeynab Ciise Ahmed
85. Safiya Abdullaahi Aw Yusuf
86. Jawaahir Abdullaahi Aw Yusuf
87. Sacdiya Saciid Hussein
88. Kowsar Adan Hussein
89. Haajira Adan Hussein
90. Safiya Hirsi Jama
91. Batuulo Xaashi
92. Ruqiyo Abshir Warsame
93. Caasha Abdi
94. Muna Fara-badane Guhaad
95. Halima-Sacdiya Mocallim
96. Hawo Ciise Labo-lugood
97. Waris Farah Diirshe
98. Siciida Cumar Haji
99. Ifrah Cumar Haji
100. SacdiyaCumar Haji
101.TariiqAbdi Shire Godo-godo


 

Baaqyo Nabadeed oo ku wajahan Puntland

Please direct all questions on the above article to Drs Sureer Abshir Muuse < Somalcentre@aol.com >

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga qoray, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

| Ku Noqo Bogga Maqaalada Akhristaha | Kulaabo Bogga Hore AllPuntland  |

Copyright © 2000-2001 by allPuntland.com.  

All rights reserved. Reproduction in whole or in part is prohibited

 

Bravenet.com