 |
ssThe opinions contained in this article are
solely those of the writer, and in no way, form or shape
represent the editorial opinions of
AllPuntland.com |
|

|
 |
BAYAAN:
Dareenka iyo laxawga Haweenka
Puntland/Jubbaland. |
[ AllPuntland Opinion/Fikradaha ] |
Ku:
Dhamman Isimada iyo
Nabadoonadda Reer Puntland
Maamulka iyoSiyaasiyiinta Puntland
Culamaa'u diinka Puntland
WaxgaradkaRag iyo Dumar
Ganacsatada
Jaaliyadahadibadaha ee reer Puntland/Jubbaland
Guud ahaandadka reer Puntland/Jubbaland
Ujeeddo:
Go'aan kasoo baxay
haweenka Reer Puntland iyo Kismaayo ee Magaalada
London .
Shir ay isugu
yimaadeen qaybo ka kala socda haweenkabeelaha reer
Puntland iyo Kismaayo ee deggan magaalda London
iyo nawaaxigeeda, ayaa looga hadlay arimaha
murugsan ee ka taagan Puntland iyo degaanada
Jubada hoose, gaar ahaan Kismaayo.
Waxaa haweenku aad uga xumaadeen inqilaabyada
siyaasadeed / dhaqaale ee ka taagan Puntland,
kaasi oo keenay in uu horseedo dhimasho, dhaawac,
kala-qaybsanaan (Polarisation) aan loo baahnayn.
Waxaa noo muuqatay in siyaasiyiinta iyo odayaasha
beelaha reer Puntland aysan wali ku guuleysan
dhibaatada nahaysata ay ku dhameeyaan si nabad ah.
Waxaa kaloo caddaatay inkastoo Issimadii soo
jireenkaahaa ay ku dadaaleen wanaag oo dhan, in
haddana waxaa warku nagu soo gaarayaanin
shaqsiyaad magac Issin wataa ay Tuuto u xirteen
sidii ay isugu laynlahaayeen dadka walaalaha ah.
Arrintaas oo ah dhaqan khatar ah oo taasoo
hor-seedikartadhibaato ugub (precedence). Sida
gabar dhalinyaro ah oo shirka ka sooqayb-gashay ay
ku maah-maahday, Geel duqihiisii durduriyeen
aarankiisa maxaadmooddaa!!!, waxaa dhab ah in
Issinkii sidaas u dhaqma ee cadowga la saftaa
inuusan wax xil ah u qaadi karin dadweynaha reer
Puntland/Jubbaland taariikhdana uu meel madow ka
galidoono uusan masalikarin dadkooda.
Sidaa darted markii aan isla falanqaynay oo si aad
ah uga baaran dagnay xaalku halka uu hadda marayo,
waxaa haweenka Puntland ee reer London isla
qaateen in loo gudbiyo dhamaan qaybaha aan kor ku
xusnay DAREENKOODA IYO LAXAWGOODA arrimaha
socda ku aaddan.
1. In qooysaskii qaraabadoodu
fitnadaan ku geeriyoodeen ama ku dhaawacmeen lagu
qanciyo si kastaa iyo sidii lagu daaweyn karo; in
dadkii wax kala gaareen dhibkooda lagu xaliyo
sidii dhaqanka suubban ahaanjiray.
2. In dhibaatada siyaasadeed ee hadda
ka aloosan Puntland aan lagu xalinkarin kooxaysi
iyo dana gaar ahaaneed ee runtu waa caddahay aan
dadka la isku layn caasumadda Garoowena aan
dagaalka lalabeegsan maadaama ummaddii shanta
gobol iyo Buuhoodleba joogaan.
3. In laga digtoonaado khatarta ay
keenikarto marka loo isticmaalo dekadaha iyo
air-port-yada dalka sidii meel qof shaqsi ah
leeyahay ama loo isticmaalo canshuurta ka soo
xeroonaysa dekadda ajende qarsoon oo ay leeyihiin
dad aan u danaynayn dadkeenna iyo dalkeenna.
4. Waxaa dhacday maalinti Isniinta ee
taarikhdu ahayd 21-kii Janaayo 2002 in
sidaandaansi ah oo xilkasnimo la'aan ah iyadoo aan
loo meel dayin madfac lalabeegsaday meel deegaan
ah ee ka mid ah magaala madaxda Garoowe. In kastoo
Eebbe uu naxariistiisa caruurtii iyo shacabkii
uusan wax ku yeelin misna waadgarankartaan
khatarta ay dhacdadaasi leedahay. Sidaas awgeed
waxaan kubaaqeynaa in si degdeg ah hubka looga
dhigo dadka sida khaldan qoryaha loogu dhiibay
laguna magacaabay MARYO-CALAS, dibna loo
dhaqan-celiyo ayagoo loo helayo shaqooyin iyo
xirfado ay si xalaal ah ugu noolaadaan.
5. In ciidamada taba-baran ee
Daraawiishta iyo Booliska Puntland oo magaca
Ilaahey umaray badbaadinta dalkooda iyagoo Eebbe
ku tiirsan Issimada iyo shacabkanakaashanaya ay si
deg-deg ah u sugaan amniga dhammaan deegaanka
Puntland.
6. Waxaan uga digaynaa dadka dibadaha
ka tagay intay waddankooda wax u tari-lahaayeen
ineysan isku dayin sidii dabka baasiin ugu
shubilahaayeen si ay u gaaraan dangaara iskuna
layn dhalinyarada jaah-wareersan, caraysan oo
cadilan kuwaasoo wax-barasho , waano.
Fahmida baahidooda bulshadeed.
7. Waxaan si gaar ah uga xunahay
foolxumada iyo dibindaabyada ay Dooxatada Jubba
ku hayaan dad rayidka ah dulman oo ay xooggaku
haystaan deegaankooda .
8. Waxaan kula talinaynaa dadka uu ka
midka yahay Sareeye Guuto Ali Ismaaciil oo soo
guryo-noqday ayagoo ka faa'ideysanaya wadciga
jaahwareerka ah ee dalka ka taagan Puntland iyo
Somaliyoo dhan ama fikrado kale inaysan marna isku
dayin iska hor-keenka dadka walaalaha ah iyo wixii
amniga Puntland wax-u-dhimikara .
9. Ugu dambaystii waxaan dadka reer
Puntland ku adkaynaynaa in ay xil iska saaraan
nabadaynta dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo
midnimadooda kuna dadaalaan inay ka fogaadaan
wixii wixii sababi kara xassiloonidarro ka
aloosanta gobolka Geeska Africa.
Allaah awoodda leh waxaan kabaryeynaa in dadkayaga
dhibbanaha ah ee lasoo bara-kiciyey uu ka koriyo
dhibaatada ay ku jiraan. Waxaan u hambalyeynaynaa
una ducaynaynaa Issimada ku dadaalay hakinta
dagaal sokeeye, wax-garadka, ururada haweenka
Puntland, ciidamada u dhaartay inay difaacaan
dalkooda iyo culimaa'u diinka sharafta lehee aan
dagaalka hor-seedayn kuwaasoo ku sugan dariiqii
Eebbe iyo rasuulka(SCW).
Ugu dambaystii waxaan xusuusanaynaa una
ducaynaynaa odayaashii ay ka mid ahaayeen Cali
Waraabe, Gurey Haji Yusuf, Ugaas Dakhare, Haji
Qoraxay, Haji Abdi-maneeno. Waxaan u
tacsiyeynaynaa dadkii iyagoo nool la gubay, kuwii
baabuurta la dulmariyey sidii Abdirizak Hirsi
Dheere, dumarkii la kufsaday iyo kuwii la
bara-kiciyey. Waxaan si gaar u xusuusinaynaa
haweenka geesiyaasha ee reer Puntland/Jubaland
inay dhacdooyinkaas madow xusuustaan oo hadday
doonaan cafiyaan laakiin aan marna la ilaawikarin.
Allaahuma hal balaqnaa Allahuma fash-had.
Wabilaahi Tawfiq
Saxiixayaasha
1. SucaadBashiir Nuur Geeddi
2. WarisFarah Ali Qase
3. HalimoAhmed Duub-weyne
4. HawaHaji Abdullahi Shirwac (Qore)
5. SureerAbshir Muuse Mataan
6. KhadraBulxan
7. FaadumoAbshir Farax
8. CadarHussein
9. SahraYuusuf Geelle
10.BarniXayir
11.CaashaAbshir Faarax
12.MaryanXayir
13.SahraAbdi Muuse
14.HodanAhmed Mire
15.SuleekhoAbdi Barre
16.AbwaanadSiciido Abdi Muuse
17.CaashaAllegaro
18.SaciidaYuusuf Mohame
19.HawaMaclin Lugay
20.AmbiyaJamac
21.ZeynabMohamed Jaamac Kaarshe
22.Hawa-yareyAdan
23.LulAdan
24.FatxiyaMohamed Ahmed
25.SaciidaAdan Diiriye
26.SahraGabon
27.HawoMatooto
28.HawoHaji Shire
29.MaryanGodo Haji Abdullahi
30.HawoGeelle Mohamed Kaneec
31.LulAbdi Muuse
32.MaryanXoog-weyn Guuleed
33.KhadiijaNuur Kasteeli
34.MaryanMohamuud Abshir
35.ShamisMohamuud Abshir
36.NadiifaFarah
37.HawaCiise
38.MaryanCali Abdirahman
39.CaashaXasan Bile
40.HawaMacalin Adan
41.HawoWarsame Buryar
42.KhadiijaAbuukar
43.MulkiHussein
44.ShukriMuuse
45.BadranAdan Seed
46.AyaanQaasim Hussein
47.AmaalAbdi Jibriil
48.AyaanAbdi Jibriil
49.HibaAdan Hussein
50.SahraSheikh Hassan Sheikh Abdirahman
51. Ibada Issa Shirwac
52. Zeinab Jamal Karshe
53. Batran A Sed
54. Bisharo Warsame
55. Nasra Abdi Rabi
56. Zeinab Haji Hussein
57. Mariam Haji Abdullahi
58. Sahro Sheikh Ali
59. Cadar Xussein Mire
60. Habiibo Xirsi
61. Hodon Siciiid
62. Farhiyo Said Haji
63. Asha Ahmed Ismail
64. Saida Calwan Mohamed
65. Zeinab Yussuf Mohammed
66. Marwo Ali Botan
67. Jamilo Diriye Ali Dheeg
68. Hawo Adan Warsame
69. Hawo Hassan Hagi
70. Muhubo Osman
71. Habiba Hodan Hersi
72. Isir Cabdulahi Sheikh Nuur
73. Halima Mohamed
74. Ismahaan AbdirahmanBotan
75. Idil Saciid
76. Safiya Mana-fato
77. Farhiya Maana-fato
78. Hibo Hassan
79. Laila Dahir
80. Nasra Mohamed
81. Nasrin Muuse Qaaddirye
82. Faaduma Hassan Dhooqa-ruug
83. Halima Warsame Farah Shillin
84. Zeynab Ciise Ahmed
85. Safiya Abdullaahi Aw Yusuf
86. Jawaahir Abdullaahi Aw Yusuf
87. Sacdiya Saciid Hussein
88. Kowsar Adan Hussein
89. Haajira Adan Hussein
90. Safiya Hirsi Jama
91. Batuulo Xaashi
92. Ruqiyo Abshir Warsame
93. Caasha Abdi
94. Muna Fara-badane Guhaad
95. Halima-Sacdiya Mocallim
96. Hawo Ciise Labo-lugood
97. Waris Farah Diirshe
98. Siciida Cumar Haji
99. Ifrah Cumar Haji
100. SacdiyaCumar Haji
101.TariiqAbdi Shire Godo-godo
Baaqyo Nabadeed oo ku
wajahan Puntland
|
|
Please direct all questions on the above article to
Drs Sureer Abshir Muuse
<
Somalcentre@aol.com > |
Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir
qoraaga qoray, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg
bilowga qoraalka. Mahadsanid |
|
XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo
fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo
bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta
AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta .
Mahadsanid |
|
| Ku
Noqo Bogga Maqaalada Akhristaha | Kulaabo
Bogga Hore AllPuntland |
Copyright © 2000-2001 by
allPuntland.com.
All rights reserved. Reproduction in whole or in part is prohibited
|
|