ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Ra'yiga Akhristaha 

Lixdan Jir Lali Laguma Noqdo.

Posted to the Web   April 03, 2002

WQ.

Bashir Yusuf

bashiryusuf169@msn.com 


Dhaqan ahaan Soomaalidu waa ummadd xoolo dhaqato ah hadba meel ku hanaansho hantidooda, oo reer guuraadnimadana waa waxaa lagu tilmaamo dhaqankeena laguna nisbeeyay hab-noolaleedkeena   lehna murti wacan laguna shidaal-qaadan  karo.haba-ahaate waxaanu had iyo goor maqalanaa hal-qabsiyo wax ku ool ah  oo aan  marnaba ku habaabin  marinkooda ,wada maqalnay "SOOMAALIDU BEEN KUMA MAAHMAAHDO"
 
Dabcan ciwaankana aan ku tiigasaday maqaalkana wuxuu tibaaxaya hal-qabsi Soomaaliyeed oo dhalaanka lagu koolkooliyo markii laga filaayo hanaan-wanaagsan oo waxaa hubal  ah inay ubadayo Soomaaliyeed maqleen waalikooda oo meerinaayo tixdan" wiil labo iyo toban jir ah hadduu lali ahaan-waayo raganimo lideed inuusan heyn, liicyayeey taa hala ogaado" 
 
Dhaqan ahaan Soomaalidu labo iyo toban jirka xil masuuliyeed  ayaa lagu tarbiyaa waa kan hangool sito geela xero u waabo, geel aroorr geeyo, reerka wax ka raro , ciidan iyo wax tar leh.
 
Maantase maxaa Soomaaliya ka  jira? xagee wax ka qaladameen? tarbiyadi maxaa taraarixiyay sida dubnado oo kale?  waxaan yaabay oo aan fajac iyo dhakafaar ugu beeray markuu nin shisheeye wax ka odorasay dhibka Soomaalida, mar aan rogay baalka 24 buuga uu qoray scott peterson ciwaankisu yahay ME AGAINST MY BROTHER oo sidatan ah " There were 20 similar garages in the city ,and there were godfathers . But here was a man who knew well the bottom line and foresaw long clan war in somalia, so he prepared the war machinery. His operation was run well , as if he had taken his cue from  some kind of palmero Hand book for mafiya dons"
 
Haddaba waxaan kalo maqalay markuu afartan sano cimrigaagu cagacageeyo inuu caqligu kaamil noqdo oo aad wax waliba feejig ka tahay maankuna kaa saayid caleeyin iyo hadduu EEBBE cimri dheer ku siiyana inaad cibaadeysatid.
 
Lixan jir lali laguma noqdo tarbiyaduana waxey ku xirantahay qofba habka aad usoo kortay oo is koriskana akhlaaq dariiqeed lagama waayo.

Qoraaladii kale ee Bashiir: 

Wixii Su'aal Waraysigaan  aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay Ali S. Godah, Emailkiisu waa  hiiraan@yahoo.com . Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda, hawlqabadkooda  iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.