Dhaqan ahaan Soomaalidu waa ummadd xoolo
dhaqato ah hadba meel ku hanaansho hantidooda, oo reer guuraadnimadana
waa waxaa lagu tilmaamo dhaqankeena laguna nisbeeyay
hab-noolaleedkeena lehna murti wacan laguna shidaal-qaadan
karo.haba-ahaate waxaanu had iyo goor maqalanaa hal-qabsiyo wax ku ool
ah oo aan marnaba ku habaabin marinkooda
,wada maqalnay "SOOMAALIDU BEEN KUMA MAAHMAAHDO"
Dabcan ciwaankana aan ku tiigasaday
maqaalkana wuxuu tibaaxaya hal-qabsi Soomaaliyeed oo dhalaanka lagu
koolkooliyo markii laga filaayo hanaan-wanaagsan oo waxaa hubal ah
inay ubadayo Soomaaliyeed maqleen waalikooda oo meerinaayo tixdan"
wiil labo iyo toban jir ah hadduu
lali ahaan-waayo raganimo lideed inuusan heyn, liicyayeey taa hala
ogaado"
Dhaqan ahaan Soomaalidu labo iyo toban
jirka xil masuuliyeed ayaa lagu tarbiyaa waa kan hangool sito
geela xero u waabo, geel aroorr geeyo, reerka wax ka raro , ciidan iyo
wax tar leh.
Maantase maxaa Soomaaliya ka jira?
xagee wax ka qaladameen? tarbiyadi maxaa taraarixiyay sida dubnado oo
kale? waxaan yaabay oo aan fajac iyo dhakafaar ugu beeray markuu
nin shisheeye wax ka odorasay dhibka Soomaalida, mar aan rogay baalka 24
buuga uu qoray scott peterson ciwaankisu yahay ME AGAINST MY BROTHER oo
sidatan ah " There were 20 similar garages in the city ,and there
were godfathers . But here was a man who knew well the bottom line
and foresaw long clan war in somalia, so he prepared the war
machinery. His operation was run well , as if he had taken his cue from
some kind of palmero Hand book for mafiya dons"
Haddaba waxaan kalo maqalay markuu afartan
sano cimrigaagu cagacageeyo inuu caqligu kaamil noqdo oo aad wax
waliba feejig ka tahay maankuna kaa saayid caleeyin iyo hadduu EEBBE
cimri dheer ku siiyana inaad cibaadeysatid.
Lixan jir lali laguma noqdo tarbiyaduana
waxey ku xirantahay qofba habka aad usoo kortay oo is koriskana akhlaaq dariiqeed
lagama waayo.
Qoraaladii kale ee Bashiir: