Posted to the Web
April 10, 2002
|
Daban
ganacsiga Soomaalida waa taariikh qoto-dheer leh, oo intii u dheexeysay
1940-ila 1950 .xiligaas oo dalkeena saarnayd heeryadii gumeysiga haddana
waxaa jiray ganacsi faafay oo isku xiray deegaano badan kooban dalkeena
iyo dalalka xuduudka aanu wadaagno.waxaana ka mid aha magaalooyink sida
jiima abaa jifaar, nagayle, doolow, mandheera , luuq ganaane, baydhabo,
xamar , marka , baraawe iyo kismaayo oo ay dheex-gooshayay
geedi-safar . ganacsataduna ka gasisleen jireen waxyaabo badan oo
ka mid ah buunka, dharka, hargaha, malmalka, saabunta, subaga,
sangaha(dibiga) , geela, ariga iyo waxyaabaha kale ee daruuriga ah
sida saadka.
xiligaas
ganacsiga Soomaalida waxuu aha mid dhib badan oo ugu wacneeyd dariiq
xumo, gadiid xumo , iyo nabad xumo iyado had iyo jeer ganacsatada
maalkooda shifto dhici-jirtay ,haddana ganacsatadu kama quusan
ganacsigoodii haba dhib-badnaade haddana halkaas ayeey ka wadeen
magacoodu caan way lahaayeen oo waxaa la oran jiray
JEEBLE ama Gadisle.
Xiligii
xornimadana ganacsiga aad iyo ugu faafay dalka Soomaaliya oo waxaa
sahalanaaday waxyaabo badan oo ka mid aha gadiidka oo si xoogeestay .ganacsigana waxaa
la gaaray heer dayuurada laga soo raaco addis-abeba min ila
cadan , cadan min ila xamar, Zinzibaar min ila Nayroobi oo waxaa kale
ganacsatda ganacsigoodi xoojiyay iyadoo faragalin dhaqaale dhaqaale ku
samayn xukuumada dalka ka jirtay waxaan ka ahayn canshuur oo waliba
waxaa lagu tilmaami karaa waqtigu ganacsiga ugu wacnaa.
1969-1991
Gancsiga Soomaalida waxuu gaaray heerkii ugu xumaa oo xuumadii
dalka ka jirtay hantidii qaranka ku maal-galisay shaqsiyaad gaar ah oo
aan ganacsiga waxba ka aqoon ilihii dhaqaalhana afka u dhigatay nin aan
waligii xoolo dhaqana inuu maalin quro ku taajiro asagoon dhibka
ganacsiga xirfadeeda ka dhago xiran.
Maantase
halee ayuu maraya ganacsiga Soomaalidu? Waxaan maqli jiray hal-qabsiga
aan cinwaasaday oo aha mid ganacsadadii hore isticaali jireen oo waxey
aaminsanaayeen in khasaaro iyo faa'idaba ganacsigu lahaa ninba
kartidiisa uu xisaabtami jiray iskana dhowro khiyaamada, ribada, sako
la'aanta ,qiimo kordhinta, iyo wixii la halmaalo.
wixii
ka danbeeyay 1991 waxaa soo if-baxay ganacsato aan ogalayn khasaaro
habkii ganacsiga lagu yaqin meel uga dhacay , oo waxay
bilaabeen inay lacag faalso ah iska soo daabacdaan iyagoo aan shilin u
dhididin maalinkastana dhibka ku hayo ummadda soomaaliyeed.
Ganacsigii
Soomaaliaya waxuu faraha ka baxay markuu maalin-taajirkii badalay
daqiiqad taajir,daqiiqad taajirkana badalay il-biriqsi taajir.
Qoraaladii Hore EE Bashiir:
|
Kor
u qaada codkiina oo Ha la idin maqlo...
|
Wixii
Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga nasoo
gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka
eeg bilowga qoraalka.
|
XusuusNoow:
AllPuntland
wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu
kusoo bandhigaan ogaalkooda, hawlqabadkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta
AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid
|
Kulaabo
Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |
Copyright
© 2000-2002 by AllPuntland.com.
All
rights reserved.
|