Posted to the Web
April 17, 2002
|
Noolaha
oo idil ka siman gaajada haddana waa waxaa ay maalin iyo habeen halganka
ugu jiraan sideey uga haqabeeli-lahaayeen darxumada gaajda oo dunida aan
ku noolnahay waxaa jira dalal iska xilsaaray oo aan marnaba ogaleen
shicibkooda macaluulaan. waxaana dhab oo aan laga indha
qarsan karin inay dunida haatan uu qeybsan tahay labo qeybood oo kala ah
dunida saboolka iyo dunida hodanka amase barwaaqo-sooranka . waxaa
su'aal ah qaarada Afrika ku saladay macaluun oo aan marnaba isku filaan
loo gaari waayey?
Dabcan
jawaateeda su'aashaas waa mid sahlan oo waxaa markiiba maankaaga kusoo
dhacdo madax qumani qaarada kama taliso , waana kuwa dhibka hoday
qaarada mana ka dhiidhiyaan darxumada macaluuleed ee ku habsatay
dadkooda ,waana kuwa colaad maciinsaday kuna macangagay xukunka baas ee
qoriga lagu qabsaday qorigana lagu dagay.
Madaxdaas
xun ee qaarada sumcad xumada usoo jiiday waliba garaadkoodii ka
yeersiiyay sida Mengistu Hailemariam markii lagu wargaliyay shacabkii
abaartu naafeeysey waxey cunaan ma heystaan yiri " Mey cunaan ciida"
macaluusha geeska Afrika waa mid taariikh dheer leh dad badana ay ku
hoobteen gaajdaduna waxey soo taxneeyd ila iyo xukuumadii mililiq dalka
itoobiyo Soomaaliyana waa la mid oo suldaankii puntland biloowgii
qarnigii 19naad markuu 360 maria theresa dollars ingirska ka qaadanayay
dad badan ayaa ku macaluulsanaa dooxada nugaal godan.
1969-1991
xukuumada dalkeena ka talin jirtay waxey ballan ku qaaday la dagaalan
saddex cadow oo kala aha Gaajo, Jahli amase aqoon daro iyo qabiil .
saddexdii miro dhalkeedina waxey noqdeen daba-dheer , amar ka qaadasho
askari jaahil iyo dagaal sokeeye. nasiib darada Soomaalida heysana waxaa
ka mid kuwii dhibka keenay ayaa wali xukundoon ah horena hawada
raacsiiyay saddrxdii halqabsi .
1991-
2oo2 waxaa soo if-baxay kuwo ka macaasha macaluulasha oo fakti horeba
qaateen qori wax lagu boobo in raashinkii mucaawina ahaa isbaaro loo
dhigto kuna kalifay ummadd badani inay garas calashadaan.
Waxaa
aniga yaab igu dhaliyay mar aan dib uu eegay qoraal muhiim ah oo ay wada
jir u soo saareen khubaro afrikaan ah oo dalal badan ka yimid laguna
qabtay magaalada London bishii august28-30 sanadku markuu ahaa 1987
waxey qararkoodii ku soo gabagabeeyeen 16 qodob oo wax ku ool ah . anigo
haddana yaaban waxaan dhex xushay 16 kii qodob koowaad oo sidatan ah '
Every effort must be made to re-establish peace with in African satates
, regardless of location , religion, identity, or race , so as to put a
stop to famine and injustice with in the continent.' waxaa hadda
kasoo wareegtay 15 sano markii erayada lagu dhawaaqay . maxaase ka
danbeeyay? waxaa ka danbeeyay dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya, kii
xasuuqii Ruwanda, kii congo, abaartii ogaadeenya, tii gado iyo kuwo kale.
Inay
madaxdaas qaarada ka talinayaan gaajada garas waa loo cune .
Qoraaladii Hore EE
Bashiir:
|
Kor
u qaada codkiina oo Ha la idin maqlo...
|
The
opinions contained in this article are solely those of the writer,
and in no way, form or shape represent the editorial opinions of AllPuntland.com
|
Please
direct all questions on the above article to
|
Wixii
Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga nasoo
gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka
eeg bilowga qoraalka.
|
XusuusNoow:
AllPuntland
wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu
kusoo bandhigaan ogaalkooda, hawlqabadkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta
AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid
|
Kulaabo
Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |
Copyright
© 2000-2002 by AllPuntland.com.
All
rights reserved.
|