Waxaa hubal ah oo aan marnaba la qarin
karin dhibka soomaalida dhex-yaalo waa mid ay soomaalidu isku keeneen oo
aan marnaba shisheeye loogu aaneenayn waayo intey soomaalida
meela kale faraha ku fiiqayaan siyaasadu wey maldmi waana lagu
marin-habaabi oo in xal -waaro la gaarana yaan cindiga la
gashan.
10 sano ee la soo dhaafay markaad
Soomaalida weeydiisid sidee wax u dhaceen? waxaa durbadiiba maqashaa
reer habil ayeey u dagi-weeyday mushkilada Soomaaliyo oo reer habel waa
kuwa ku jira boobka iyo dhaca oo aan marnaba rabin in qaran la dhiso ?
reer habel madax ma leeyihin lala hadlo inay joojiyaan dhibka ay ummadda
Soomaaliyeed ku hayaan? reer habel maxaa ku saliday madax tirada badan?
reer habel maxaa dhagaha jufay? reer habel maxey dagaal ugu haligmeen?
reer hebel cuqaashooda iyo caaqiladooda maxey ugu caasiyeen? intaas iyo
in kaleba reer habel lagu sheeg.
Haddaba markaad dhuuxdid su'aalooyinka
badan oo aad dhab ahaan u kuur-gashid waxaad ogaan markiiba reer
habel waxaa qafaashey maafiyo aan reerkaba naxariis u heyn oo waliaba
ciribtirka ku hayo kuna diray ummadda Soomaaliya iskuna diray
jufooyinkooda . Cusmaan caato, Maxamed qanyare afrax, Cali mahdi, xaaf
iyo madax ku sheega dkm waa maafiyo ka macaashey sunta halista ah ee
lagu qubay carigeena nimaankaas waa kuwa haligay reerkooda caqabadna ku
ah dhismo qaran Soomaaliyeed oo waa kuwii mar hore hashi maandeeq
bacaad ku lisay.
Dad xumo reer walaba laga hel oo
maafiyaduma waa ilko yaxaas oo kale oo korka waxey natusaan inay
kala fogyihiin laakinse hoosta ayeey ka xariiraan taana waxaa kugu filan
shirkii carta iyo cidii ka danbeesay oo waxaan Soomaali oo idil caad ka
saarneyn qaabka uu Geele ku dhaqmay , qaabkuu walaalkiis u dhintey
iyo haweenayda faransiiska ah ee wali daba-taagan .
waa galad RABi haddii maafiyada hadda isku
muuqdaan oo damacoodu gaarsiiyay inay ku hardamaan furitaan dakada iyo
gagada dayuuradaha xamar .Soomaaliduna waxey arkidoonaan kuwii dhibka
dalka ka waday oo reer waliba leh waxaana reer u hari kuwa maandeeq
maroorindoona maafiyada mahaniga ah maanka yar ha joogeen Bari,
jabuuti iyo xamar.