|
Taariikhda gudcurka ee Soomaalida ku habsatay haddii aanu dib u raacno
waxaa markiiba noo muuqato waxyaabo badan oo il-duuf ah haddii aan
loo dhabo-galin amase loo kuur-galin inta badana waxaa lagu sugnaa
xogagalnimo qarado-jeex ah oo waxaad had iyo gooraale maqashaa
mushkilada Soomaaliada heysato in loo aaneeyo hagardaamo dhex-taalo
beelaha Soomaaliya loona nisbeeyo loolan hogaameed oo beel-waliba
birmadkeedu yahay baro ka muuqasho hayeeshee markii loo dhabo-galo
arrintaas waxey ku soo xirantaa barkuma-taalo iyo sheeko-baraley...
Dabcan hadii si niyad sami loo raaco taariikhda gurcurka ah ee
indho-sircaadisay shacabka Soomaaliyeed oo waa mid u kalo dhantaalan
labo qaybood oo kala ah biimo iyo beylo.
Markii la riday kaliyo-talanimada diktaatooriyada aheyd dalka ka jirtay
oo lagu hanweynaa inuu isbadal wacan dhaco waxaa lama filaan soo
if-baxay jahawareer siyaasadeed oo ah qar iska tuur dalkana ku
sugay marxalad xasaasi ah dhalisayna colaad dhumuc-dheer, bara-kicin
baahaday, burbur xad-dhaaf ah, bililiqo ba'an oo baas wareeg ah, boob
burqaday, bud-dhig iyo baroor badatay , baasuke iyo boobe in la isku
adeegsaday dalkuna noqaday wax biimo ah dawdaro inaga dhashayna ku
dhaqaaqeen udbha u siibaan qarankii dhamaa kana dhigeen gabaahirig iyo
goob laga haajiray.
Argagaxiso, Geed-jini mukhaadaraadle, qolof bukeeni kaganacsade,
dhir-xaalufiye, canshuur ka carare, hub ka ganacsade, danbiile gacan ku
dhiigle, lacag been-abuure, sun-qabire, afduube, leegeeste,
canshuur-qaade iyo in kaleba waxey soo ifbaxaan markaad beylo tahay ...
anigu waxaan yaabaa markii madaxda Soomaalida eedeeyaan dawalaha dariska
la Soomaaliya iyagoo iska indha-tiro oo aan marnaba eegin kuwa dhibaka
dalka ka wado oo colombia ka dhigay Soomaaliya dhibkuna wuu jiri
haddii aan la qaban dawdarada dowlad diidka ah dalkii haligay.
Qormooyinkii Hore EE
Bashiir:
- Indho
Adag Arooskeeday.. Thursday, May 16,
2002 at 12:34
- Sidi-qabax
iyo Suul-dhabaale... May
03, 2002
- Maandeeq
iyo Maafiyo ... April
25, 2002
- Gaajo
iyo Garas... April
17, 2002
- KHasaaro
Khasmo Liiro... April
10, 2002
- Lixdan
Jir Lali Laguma Noqdo...
April 03, 2002
- Dad
Qalatada Cusub... March
31, 2002
- Muqdisho
Maxaa Muuqeedii, Muunadeedii iyo Magaceedii Masaxay?
March 21, 2002
- Siyaasadda
Somaliya Ma sal dhigan doontaa mise waa siddii iyi simbiriirii? March
11, 2002
- Dhacdooyinkii
Dhibka lahaa oo dhan oo dhidba siibay... March
03, 2002
- Qaab
darada Qoriga !!!
February
25,
2002
- Yaa
diidan dowladnimo yaase doonayo?
February
17, 2002
Wixii
Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga nasoo
gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka eeg
bilowga qoraalka.
|
XusuusNoow:
AllPuntland
wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu
kusoo bandhigaan ogaalkooda, hawlqabadkooda iyo Fikirkooda,
Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta .
Mahadsanid
|
|
|